Sunday 20 March 2011

Ciidamadii Ethiopian-ka oo Isaga Baxay Beled-Xaawo iyo Luuq

Muqdisho (RBC Radio) Warar ka imaanaya gobalka Gado ayaa waxa ay sheegayaan in ay halkaasi isaga baxeen ciidamaii Itoobiyaankla ahaa eek u suganaa mudooyinkii ugu danbeeyay.
Waxaa la sheegay in degmada Beledxaawi iyo waliba degmada Luuq ee gobalka Gado ay gabi ahaanba iaga baxeen ciidamadii Itoobiyaanka ee wehlinayay ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Ahlu Suna.
Wararka ka imaanaya gobalkaasi ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamadii dowlada KMG Soomaaliya lagu wareejiyay goobihii ay baneeyeen ciidamada Itoobiya.
Ciidamada Itoobiyaan ayaa waxa ay aadeen dhanka soodinta Soomaaliya ay la wadeegto Wadanka Itoobiya, waxaana la sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay horay u siiraaceen araakiil ka tirsan ciidamada dowlada ee gobalka Gado.
Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa haatan waxa ay ku suganyihiin degmooyinka Beledxaawo Luuq iyo Ceelwaaq oo ay kol hore kala wareegeen Al-Shabaab.
Sidoo kale ciidamada Shabaab ayaa iyana waxa ay ku suganyihiin deegaano ka tirsan gobalkaasi gado oo ay ka mitahay degmada Baardheere iyo Magaalada Garbahaaray ee gobalkaasi gado.
Horay ayaa dhow mar waxa ay saraakiisha dowlada ay u dafireen in ciidamo Itoobiyaan ah ay ku suganyihiin gobalka Gado inkastoo saraakiisha Al-Shabaaba ay ayguna Sheegeen in ciidamo Itoobiyaan ah ay gudaha u soo galeen gobalkaasi Gado.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...