Sunday 6 March 2011

Ciidamo Ethiopian oo Wata Taangiyo oo Xalay Soo Buuxiyey Dhuusamareeb iyo Guriceel (Wararkii ugu Dambeeyey)

Dhuusamareeb (RBC) Ciidamo Ethiopian ah oo ku hubeysan 10 gawaarida dagaalka oo isugu jira taangiyo iyo Cabdi-bileyaal qoryo ku rakiban yihiin  ayaa xalay soo galay degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Warar aan ka helnay dad deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopian-ka ay degeen xeradii ciidamada 21aad ee duleedka degmada Dhuusamareeb halkaasi oo ay fariisin ka sameysteen.
Ciidamadan ayaa shalay ka soo gudbay dhinaca degmada Balambal iyagoo ay la socdaan ciidamo Soomaali ah oo la sheegay inay ka tirsan yihiin kuwa ururka Ahlu Sunna ee gacanta ku haya qeybo ka mid ah Galgaduud.
Wararka ugu dambeeya ee saaka deegaanka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyo ay ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa Ahlu Sunna ka wadaan deegaanka, waxaana magaalada Dhuusamareeb saaka lagu arkayaa gaadiid dagaal oo ay leeyihiin Ahlu Sunna oo dhex socda magaalada ayna saaran yihiin ciidamo hubeysan.
Wararka aan ka heleyno dad deegaanka oo aan rabin in la magacaabo ayaa sheegay in ciidamadan isla socda ay saacadaha soo socda ku jiheysan yihiin dhinaca Waradhuumaleh oo beryihii la soo djaafay dagaalo culus ku dhexmareen Ahlu Sunna iyo Al Shabaab isla markaana ay Shabaabku ku gacan sareeyeen.
Wararka hoose ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in saraakiisha Ahlu Sunna ay codsadeen inay u yimaadaan ciidanka Ethiopian-ka si ay weerar ugu qaadaan Waradhuumale iyo gobolka Hiiraan oo Shabaabku joogo.
Waxayna soo gelist ciidanka Ethiopian-ka ku soo beegantay iyadoo shalay dagaal culus oo ka dhacay degmada Beledxaawo oo ay ka qeybgaleen ciidamada Ethiopian-ka ay kula wareegeen degmada Beledxaawo.
Waxaa muuqata saansaan colaadeed oo ka taagan guud ahaan gobolada dalka iyadoo ay muuqanayaan dhaqdhaqaaqyo militari oo iskaashi u muuqda oo ay DKMG la wado ciidamada Ethiopian-ka iyo kuwa Amisom oo ka dagaalamaya Muqdisho.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...