Sunday 6 March 2011

Dowladda KMG oo qorsheyneysa in muddo afar cisho ku qabato Caasimada (Warbixin)

Iyadoo Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ay si KMG ah u dageen Xarunta Villa Baydhabo oo hada noqotay Taliska Ciidamada Xooga dalka ee laga hagayo duulaanada Dowladda ayaa waxaa ka soconaya kulamo aan loo kala kicin oo xalay ilaa shalay si xiriir ah uga soconayay.

Wararka sugan ee ay heleyso Shabakada Jowhar.com ayaa sheegaya in kulamada oo looga hadlayay xaaladaha dagaal iyo qorshayaashooda ayaa waxaa ka qeyb qaatay saraakiil Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG, iyadoo ay wehliyeen Madaxda Dowladda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka oo ahaa mid saacado badan socday ay ka qeyb galeen saraakiisha caanka ah ee dagaal gelinta, iyadoo wararku intaa ku darayaan in la is weydaarsaday talooyin ku wajahan xeeldaha dagaal ee Muqdisho lagu qabanayo.

Aragtiyada Saraakiisha Dowladda KMG ee ku aadan qabashada Caasimada ayaa aheyd mid kala duwaneyd, inkastoo saraakiisha qaar ay u soo jeediyeen Madaxweynaha oo ah Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka sida in ugu yaraan.
4-cisho lagu qabto Caasimada Muqdisho.

Qorshaha dagaal ayaa arrinta Suuqa Bakaaraha oo Saraakiisha Dowladda isku raaceen in aan la gelin suuqa, si aanay u xagal daacin gulufkooda dagaal, hase ahaatee qorshaha laga damacsan yahay ayaa ah in suuqa la Kubaareeyo, marka caasimada la xaqiijiya gacan ku heynteedana baaritaan lagu sameeyo.

Ragg Saraakiil caan ah ayaa loo saaray arrinta Bakaaraha, iyagoo Ciidamada Dowladda ay hogaamin doonaan gaar ahaan qeybaha ay kaga sugnaanayaan Wadooyinka Sodonka iyo Wadnaha oo ah wadooyinka halbowlaha u ah gelista Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale qorshaha dagaal ee qeybaha kale ee Muqdisho ayaa ah kuwo iyaga lama taabtaan ah, gaar ahaan Aaga Waqooyi oo ah meesha ugu difaacyada adag ee Shabaab ka sameysteen, oo ay bohol waa weyn ka faageen.

Inkastoo qodobada ugu badan ee looga dooday shirkaas dhinaca Milateriga ahaa ayaa hadana waxaa uu ahaa mid natiijadiisa ugu weyn ee sirta dagaalka si aad ah looga qariyay Saxaafada, halkaas oo xalay ay warbixino kooban ku siiyeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha.

Dowladda KMG ayaa gulufkeeda dagaal uu yahay mid kaalin weyn ay ka ciyaarayaan dalalka deriska ah, iyadoo duulaanada qaar ee Gobolada ay yihiin kuwo taagan oo heegan buuxa uu ka jiro goobaha qaar ee aan wali dagaalada ka curan, balse qorshuhu yahay in la bilaabo.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com
jowharcom@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...