Sunday 6 March 2011

Sheekh Shariif: Dalku uma Afduubnaan Doono Shabaab

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha DKMG Soomaaliya Sheekh Sheekh Axmed iyo Raisul wasaaraha xukuumada KMG Maxamed C/laahi Farmaajo oo xaley shir jaraa’id wadajir ugu qabtay xarunta taliska ciidamada DKMG ee Villa Baydhabo ayey kaga hadleen dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay wadanka qeybo ka mid ah.
Raisul wasaare Farmaajo oo ugu horeyn shirka saxaafadeed ka hadlay ayaa sheegay in hawlgalo ay wadeen ciidamada DKMG ay ku guuleysteen inay ku qabsadaan degmada Beledxaawo isagoo sidoo kale sheegay in saacadihii la soo dhaafay DKMG ay guulo ka gaartay degmooyin ka mid ah magaalada Muqdisho.
“Waxaa socda dagaal la doonayo in dalka looga sifeeyo kooxahan nabad diidka [Shabaab] waxaana Dawladu guulo ka gaarta dhowr goobood oo ay ku jirto Beledxaawo iyo xaafadaha Muqdisho qaarkood oo aan qabsanay…”, ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in xukuumadiisu ay u soo jeedsatay inay tirtirto Shabaab.
Madaxweyne Shariif oo shirka jaraa’id ka hadlay ayaa isaguna ku goodiyey in dalka la sifeyn doono Shabaab oo uu ku sheegay niman shar u soo lebistay.
“Dalkaan uma afduubnaan doono Shabaab. waxaana rabaa inaan idiin cadeyno in uu bilawday baa’ba’ii nimankan diinta ka been sheegaayo. Illahay SWT anagoo kaasnaneyna ayaan ku kalsoonahay inaan ummada dib ugu soo celino nabad iyo amni”, ayuu yiri Sheekh Shariif.
Wuxuu madaxweynuhu baaq u diray ciidamada DKMG iyo kuwa Amisom isagoo sheegay in looga baahan yahay sii wadista dagaalka hadda socda si dawlada ay ugu suuragasho inay dalka nabadii ku soo celiso sida uu yiri.
Madaxweyne Shariif oo la weydiiyey in ciidamo Ethiopian ah ay qabteen Beledxaawo ayaa wuxuu beeniyey taasi isagoo sheegay in kaalmo wax aan ka badneyn aysan geysanin Ethiopian-ka.
“Waa been wararka dhahaya Ethiopua meel qabsatay, Buuloxaawo ciidanka Dawladaa qabtay oo ka dagaalamay, kuwa Ethiopua dhinaca logistikada ayey fududeeyeen.. iskaashi waa jiri karaa…”, ayuu ku jawaabay madaxweynuhu.
Shirkan jaraa’id oo xalay fiidkii ay wada qabteen madaxweynaha iyo raisul wasaaraha  DKMG ayaa ku soo beegmay saacado kadib markii ciidamada DKMG iyo kuwa Ethiopia ay shalay qabteen degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo oo hore Shabaabku u heysteen.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...