Thursday 10 March 2011

Dagaal Culus oo Duhurnimadii Maanta ka Qarxay Deegaano ka mid ah Galgaduud

Muqdisho (RBC) Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud waxaa dagaal culus uu duhurnimadii maanta ka qarxay deegaan xagga bari ka xiga Dhuusamareeb.
Dagaalkan oo xoogiisa ku bilawday madaafiic duqeyn ah ayaa ka bilawday deegaanka God-dhurwaa oo ku dhow Ceel-laheley oo qiyaas ahaan magaalada Dhuusamareeb 22-KM xagga bariga kaga beegan, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamada xarakada Shabaab.
Dagaalkan ayaa sida warku nagu soo gaarayo waxaa bilaabay ciidamada Ahlu Sunna Waljameecah oo weerar ku qaaday deegaankaasi, iyadoo ilo wareedyada nasoo gaaraya ay xaqiijinayaan in askar Ethiopian ah ay ka dagaalamayaan deegaanka.
Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa RBC Radio u sheegay in madaafiic xoogan markii hore ay isweydaarsadeen labada dhinac kadibna uu bilawday dagaalka oo rasaastiisa si goosgoos ah looga maqlayo Dhuusamareeb.
Weli ma jirto wax warar ah oo ku saabsan khasaaraha dagaalkan uu geystey oo la helayo, sidoo kalana saraakiisha labada dhinac ayaan wax tafaasiil ah ka bixin dagaalkan oo weli socda.
Wuxuu dagaalkan ku soo beegmayaa iyadoo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ay ka jiraan gobolada koonfurta iyo bartamaha dalka oo ay ku dagaalamayaan ururka Al Shabaab iyo DKMG oo ay wehlinayaan xoogaga Ahlu Sunna. Waxaa sidoo kale dagaalada u dhexeeya labada dhinac gacan ka geysanaya ciidamada Ethiopia oo gobolada ka dagaalamaya iyo kuwa Amisom oo jooga Muqdisho.
WIXII KU SOOKORDHA KALA SOCO RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...