Thursday 10 March 2011

Telefishanka Universal oo laga Mamnuucay Somaliland

Hargeysa (RBC) War saxaafadeed maanta ka soo baxay wasiirka warfaafinta ee Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa shaqada  looga joojiyey Telefishanka Universal xafiiskii uu ku lahaa Somaliland.
War saxaafadeedka Xaabsade oo ku taariikheysnaa maanta oo ay taariikjhdu tahay 10/03/2011 ayaa lagu eedeeyey telefishanka inuu ku kacay iskudir iyo iska horkeen siduu hadalka u dhigay, wuxuuna ku eedeeyey in shaqaalaha Universal ay si bareer ah u diideen baahinta dhacdadii lagu aasay baraagaha Kalshaale.
“Waxa uu maanta Telefiishanka Universal nagu khasbay inaan si rasmi ah uga joojino dhamaan hawlgalladii dhinaca warbaahinta ee uu ka waday dalka jamhuuriyadda Somaliland gebi ahaantii laga 10/03/2011, kadib markay ku xadgudbeen xeerarka saxaafadda iyo dhammaan qodobada ku saleysanaa xeerarkaasi”, ayuu yiri Xaabsade oo markii uu war saxaafadeedka soo saaray kadib u wramay wariyaasha.
“Sidaad og tihiin Universal waxay ku ballanqaadeen qoraalkii 19/10/2010, kadib markii hore sidan oo kale looga joojiyey shaqada Warbaahinta ee Somaliland inay nidaamka raacayaan laakiin nasiib darro wey ku guuldareysteen taasi”, ayuu sii raaciyey Xaabsade.
Wasiirka warfaafnta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa intaa sii raaciyey in shaqaalaha Universal TV ay caado ka dhigteen qalqal gelin amni ioyo iska horkeen siduu hadalka u dhigay.
Bishii October ee sanadkii hore ayaa sidan oo kale waxay Somaliland shaqada kla joojisay xafiiska Universal TV ee Hargeysa balse wadahal kadib waxay dib u fasaxday telefishanka, waxaana tani noqoneysaa midii labaad oo shaqada looga joojiyo telefishanka Universal oo fadhigiisu yahay London.
RBC Radio
Xafiiska wararka  Hargeysa

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...