Friday 11 March 2011

Dagaalkii God-dhurwaa oo Maalinta Labaad Socda iyo Ahlu-Suna oo Guulo Sheegatay

Muqdisho (RBC) Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada ururka Ahlu Sunna iyo kuwa xarakada Al Shabaab ayaa maalintii labaad ka socda deegaan lagu magacaabo God-dhurwaa oo xagga bari ka xiga degmada Dhuusamareeb.
Dagaalkan oo illaa maanta duhurkii socday ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay deegaanada God-dhurwaa iyo Ceel-laheley oo qiyaas ahaan bari ka xiga Dhuusamareeb in ku dhow 25-KM.
Khasaaraha uu geystey dagaalkan ayaa weli laga heyn faahfaahin dhab ah maadaama deegaanka uu dagaalku ka dhacay uu yahay dhul miyi ah islamarkaana aan la heli karin dad madax banaan oo meesha ku sugan.
Hase yeeshee waxay warar iskhilaafsan ka soo kala bexeen saraakiisha dagaalka ee labada dhinac kuwaasoo mid waliba guul ka sheegtay dagaalka.
Afhayeen u hadlay ciidamada Ahlu Sunna ayaa sheegay in deegaanka God-dhurwaa oo Shabaabku joogeen markii hore ay qabsadeen haatana ku sii jeedaan Ceel-laheley. Wuxuuna intaa ku daray afhayeenkaasi inaysan joogsan doonin illaa intay Shabaab ka saarayaan Galgaduud oo dhan.
Hase yeeshee Sheekh C/casiis Abu Muscab oo ah afhayeenka ciidamada Shabaab ayaa shir jaraa’id oo uu maanta salaadii Jimcaha kadib ku qabtay Muqdisho ayuu ku sheegay inuusan jirin dhul laga qabsaday, wuxuuna sheegay in ciidankii soo weeraray ay soo jebiyeen oo ay dib u soo carareen.
Ka sokow sheegashada labada dhinac waxaa adag in xog madax bannaan laga helo deegaanada ay dagaaladu ka dheceen oo ah dhul miyi ah ayna ku adag tahay isgaarsiinta.
Xiisada dagaalka ayaa si weyn looga dareemayaa deegaanada ku dhow gaar ahaan Dhuusamareeb iyo Ceelbuur oo labada dhinac ee dagaalameysa gurmadyadoodu ka imaanayaan isla markaana sadhigyo ay ku kala leeyihiin.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...