
Qardho ( RBC Radio ) Maamulka Degmada Bandar bayla ee Gobolka Karkaar ayaa waxa ay ka warbixiyeen Habkii u dhacay dagaal Ciidamda dawlada Puntland iyo Kooxo Burcadbadeed ah dhexmaray.
Siciid Aadan Cali Gudoomiyaha Degmada Bandar bayla ee Oo la Hadlayay BBCda ayaa sheegay in ay Qaban Qaabinayen Wadahadal ay la galaan Kooxda Burcad badeeda isla markaasina uu Jiray Isku soo dhawaasho maamulka iyo Burcad badeeda kaasi oo Ku Koobnaa In dadkasi U Afduuban laga siidayo si Nabad ah.
intaasi ka dibna ay ka war Heleen Ciidamo ka Tirsan dawlada Puntland oo ku soo Fool leh Degmada Bandarbayla Taasi oo keentay in Burcad badeedi ay Ka warheleen isla Markaasina dagaal gaadmo ah ku Qaadeen Ciidamda Puntland.
Gudoomiyaha ayaa Tilmaamay in Ciidamda dawlada Puntland Halkaasi Kaga dhinteen 4 Askari Tiro kalena kaga dhaawacmeen Waxaana uu sheegay in ay kooxdii Burcad badeeda ahaa wali Haystaan Dadkii U Dhashay Dalka Denmark.
dhinaca Kale Gudoomiyaha Degmada Bandar Bayla ayaa sheegay in dadka deegaanka Ay ka soo horjeedan Kooxdani burcad badaha ah ee Afduubka Degmada u Keensaday Dad Ka soo jeeda denmark isla Markaasina ugu baaqeen in ay si Deg deg ah u siidaayan Dadkaasi.
Xafiiska Wararka Ee Boosaso
RBCBoosaso@gmail.com
No comments:
Post a Comment