Dagaalo culus oo bar bar socday madaafiic ayaa saaka waabarigii hore ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalka saaka ay qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, oo ku jermaaday dhufeysyo iyo aagag ay ku jireen Xoogaga Al-Shabaab.
Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa horumar ka sameeyay dagaalada saaka ka qarxay qeybo ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, iyadoo Ciidamada ay ku sii siqayaan wadada Wadnaha.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalada ay ka qaadeen Ciidamada Dowladda degmada Boondheere oo goobo hor leh ay kula wareegeen, iyadoo Ciidamada AMISOM ay qaab efandari ah ugu galeen dagaalka.
Saraakiil u hadashay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in degmada Boondheera ay la wareegeen, ayna kaabiga ku hayaan halka lagu magacaabo Tabeelaha Jaceylka iyo nawaaxiga Isgoyska Afarta Jardiino.
Taangiyo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa dagaalka ka qeyb qaadanaya, iyadoo horumarka Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM saaka uu yahay mid aan horay loo arag, oo durba ku sii siqayaan aagag hor leh.
Dagaalada saaka ka qarxay Muqdisho oo ahaa kuwo culus ayaa la maqlayay madaafiicda iyo hugunka la is dhaafsanayay, waxaana xaalada wali u muuqataa mid aan saldhigan oo Ciidamada Dowladda ay u muuqdaan kuwo ku durgaya aagag kala duwan oo ay u joogeen Ciidamada AMISOM.
Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
No comments:
Post a Comment