Tuesday 22 March 2011

Duqeyntii Muqdisho oo Burburisay Xaruntii Jaamacada Soomaaliya iyo Macallin ku Geeriyooday

Muqdisho (RBC) Duqeymo culus oo saacadihii la soo dhaafey ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare xoogan oo soo gaarey dadka rayidka ee ku nool Muqdisho.
Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimshada iyo dhaawaca ee soo gaarey dadka rayidka ee ay sababeen duqeymaha oo illaa shalay ciidamada Amisom ku garaacayeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho.
Tirada dhimashada ayaa hadda gaareysa 8 ruux halka dhaawacuna uu 10 ka badan yahay, sida RBC Radio u sheegeen saraakiisha caafimaadka ee saddexda isbitaal ee ugu weyn Muqdisho.
Madaxa Gaadiidka gurmadka ambalaasta Cali Muuse oo aan la xiriirney ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyada ay qaadeen ay isugu jiraan kuwo fudud iyo kuwo culus kuwaasoo madaafiicdu ugu tagtay goobo kala duwan.
Goobaha shaley la duqeeyey waxaa ka mid ah wadada Warshadaha, xaafado ka mid ah Hodan, suuqa weyn ee Bakaaro iyo deegaano ka mid ah Yaaqshiid.
Xarunta Jaamacada Soomaaliya oo ku taaley wadada Warshadaha oo ka mid ahayd meelihii dagaaladu saameeyeen ayaa madfac ku dhacay wuxuu sababay dhimashada mid ka mid ah macallimiintii jaamacada.  Wuxuuna burbur xoogani soo gaarey dhismaha jaamacada.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in madaafiicda ay tuurayeen Amisom oo socotey illaa xaley ay sidoo kale ku dhacday agagaaraha labada masjid ee ugu waaweyn Suuqa Bakaaraha ee kala ah Nasrudiin iyo Abuu Hureyra.
Inkastoo duqeyn culus ay geysanayeen illaa shalay Amisom haddana ma jirin wax dagaalo ah oo ka socday magaalada.
DKMG iyo saraakiisha midna kama hadlin duqeynta ay magaalada xaafadaheeda kala duwan ku garaaceen, taasoo laga soo tuuro fariisimaha Uganda ee xerada Xalane.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...