Tuesday 22 March 2011

waa Al-Shabaab haddii la Qabtana Maxkamad ayaa la soo Taagayaa

Muqdisho (RBC Radio) General Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxa uu ku eedeeyay gudoomiyaha ganacsatada suua Bakaaraha in ka Tirsanyahay Al-Shabaab.
Yuusuf Indhacade oo la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in cali Maxamed siyaad gudoomiyaha ganacsatada Suuqa Wayn ee Bakaaraha uu yahay nin ka tirsn Al-Shabaab.
Waxa uu Sheegay Sargaalkaan in dowlada KMG Soomaaliya ay go’aan ka gaartay Cali Maxamed Siyaad “Cali Dheexe” Isla markaana la xaqiijiyay in uu ka tirsanyay Al-Shabaab.
Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade ayaa waxa uu tilmaamay in dowlada Marka ay gacanta ku soo dhigto Cali Dheere maxkamad la soo taagi doono isla markaana sharciga lagu fulindoono.
Hadalkaan ayaa waxa uu yimid ka dib markii uu gudoomiyaha Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad “Cali dheere” uu si kulul u eedeeyay ciidamada AMISOM ee duqeeya bsuuqa bakaaraha, sidoo kalana dowlada KMG uu u eedeeyay in ay suuqa bakaaraha xirtay.
Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad ayaa waxa uu sheegay in suuqa bakaaraha uusan u xirnayn dowlada KMG Soomaaliya laakiin uu xiranyahay xarakada Al-Shabaab.
Suuqa Wayn ee bakaaraha ayaa waxa uu ku xirmay dagaaladii uigu danbeeay ee ka dhacay magalada Muqdisho ka dib markii ay go’een wadooyinkii soo galayay Suuqaasi

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...