Tuesday 15 March 2011

Gudiga Ganacsatada Bakaaraha oo sheegay in AMISOM diiday qorshe wadooyinka suuqa soo gala lagu furi lahaa

Gudiga Ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa ku eedeeyay Ciidamada AMISOM inay is hor taageen qorshe la doonayay in lagu furo wadooyinka soo gala Suuqa Bakaaraha oo dagaalada iyo duqeymaha ka dhaca magaalada Muqdisho ay ku xirmeen wadooyinka loogu geli lahaa.

Cali Maxamed Siyaad oo sheegta Gudoomiyaha Ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa sheegay in kulamo dhex maray Dowladda KMG iyo Alshabaab ay kaga dhaadhiciyeen in Suuqa loo furo wadooyinka soo gala.

"Ganacsatadu waxay la kulmeen Dowladda iyo Shabaab, waxayna isku afgarteen in dib loo furo wadooyinka, suuqana uu ganacsigiisa sii socdo, laakiin nimankaan Ciidamada shisheeye ayaa diiday"ayuu yiri Cali Dheere.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soconayay kulamo ay lahaayeen Ganacsatada iyo Shabaab, iyadoo codsiga ganacsatada marka hore uu ahaa in la furo wadada Tarabuunka oo ah wado ballaaran gaadiidkana ay si weyn isugu kala gooshi karaan, hase ahaatee ay taas diideen Shabaab.
 Laakiin Shabaab ayaa la sheegay inay markii dambe ogolaadeen wadooyinka Sayidka iyo Dabka midkood la furo, hase ahaatee dhanka wadada Tarabuunka ay ka qodeen bohol si aanay ugu soo gudbin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee fariisimaha ku leh Isbitaalkii Xooga, Taleex iyo Tarabuunka.

Wadada kaliya ee Suuqa bakaaraha looga geli jiray ayaa aheyd Jidka Warshadaha, kadib markii Ramadaankii uu xirmay wadada dabka, dagaalo ay iclaamiyeen Shabaab oo ay daaraha dhinacyada kaga yaal wadadaas ay dageen Ciidamada AMISOM.

Dadka Suuqa galaya ayaa qaab cabsi ah ku gala suuqa, iyagoo lug ku gala dhanka Sayidka, kuwaasoo sii maraya wado loo bixiyo Farjano oo aad ciriiri u ah iyo Xaafadaha isku raranka ah ee Tokiyo, iyadoo dadka ay ku qaadatay wadadaas marka ay marayaan Allow i Mooti.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com
jowharcom@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...