Keyse Cabdi Oo ahaa Xoghayaha Warfaafinta SSC ayaa Maanta Waxa uu
Sheegay in ay Go’aansadeen garab Ka mid ah SSC in Dagaalka la Joojiyo
isla Markaasina Xiligani Nabada Loo soo Jeesto Taasi oo ku Tilmamay in
ay Tahay mida Xalka Ku Jiro.
Mr: Keyse ayaa dhinaca Kale waxaa uu sheegay in Dhamaan Laamaha
Ururuka SSC isku Raacsaneen Joogitaankiisa Burco Balse Qayb ahaan ay
taageersan Yihiin In La Joojiyo dagaalka Isla Markaasina Xiligani
dadka deeganada Sool Loo Horseedo In ay Nabad Ku Noolaada.
Waxaana uu sidoo Kale Ka Dalbaday Madaxweyanha maamulka SomalilandMudane Axmed Maxmed Maxmuud in uu Sii Wado Howlaha Nabadeenta uu Ka Wado Qaybo ka Mid ah gobolka Cayn.
Lama Oga Sababaha Keenay In Qaybo ka mid ah Ururka SSC ay U Biiraan
Dhinaca Maamulka Somaliland Mana Jirto Hadal ka soo baxay Dhinacyada
Kale ee ururkaasi ka kooban yahay.
Ciidamda Dawlada Somaliland iyo dadka deegaanka Buuhoodle ayaa dhawaan Waxaa ay Ku Dagaalameen Qaybo Ka mid ah Gobolka Cayn Gaar ahaan Deeganad Kalshaale iyo Hagoogane Halkaasi oo Dagaalka Ka Dhashay Arimo La Xiriira Dhinaca Deegaanka Iyo Biyaha.
Dagaalkaasi ayaa waxaa ku Geeriyooday Dad Faraban oo labada Dhinaca ah Waxaana ku barakacay Shacab Farabadan Oo Haatan Ku Dhibaateysan Qaybo ka mid ah Gobolka Cayn.
Xafiiska Wararka ee Boosso
RBCBoosaso@gmail.com
No comments:
Post a Comment