Thursday 24 March 2011

Ma Carruurbaa Mise Waa Bahuuko oo Afsoomaali bartay (Warbixin).

amiirnuur.comWaxaa Been noqday sheegasho fulaynimo ah oo ay cadawgu warbaahintooda ka sheegteen in ay qabsadeen Muqdisho oo idil.



Beenalayaasha KMG ah labaxay ee ka hoos shaqeeya ciidanka Kirishtanka Afrikaanta ayaa ku fashilmay dacaayado been abuur ah oo ay ka faafiyeen wilaayaatka dalka.
Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo saxafiyiinta Soomaalida ee wararka soo aruuriya ayaa wax lagu sheekeysta laguna qosla ka dhigta hadalada Mas'uuliyiinta DKMG ah ee ku aadan ka hadalka dagaalada Muqdisho.

Sarkaal DKMG ah ugu magacaaban Abaan duulaha ciidanka oo lagu magacaabo Cabdi Kariim Dhegabadan ayaa shalay Afka kala furtay wuxuuna sheegay wax walba wixii been ah oo uu qof beni'aadam Soomaali ah sheegi karay.

Dhagabadan oo aan weligiis soo dhaafin xaafadda Barxleey ee Koonfurta Gaalkacyo ilaa iyo Hobyo ayaa si daciiftnimo ah u yiri "ciidanka Dowladda waxay soo qabsadeen,Dhoobleey,Xagar,Afmadoow oo waxayba 30 KM kasii bexeen degmada Afmadoow dhanka Kismaayo ayeyna kusii socdaan".!!!

Dabaalkan Beenaalaha ah wuxuu horey uga tirsanaa Mushrikiinta halkaasi oo lagasoo dalacsiiyey wax aqoon ah umalahan gobolada dalka xataa xaafadaha Muqdisho makala yaqaan oo waa ku cusubyahay.

Aan isdul taagno Dhoobleey iyo Xagar sida muuqata Beenaale dhegabadan waxba kama yaqaan gobolada dalka xataa wuxuu ku sigtay in uu dhaho Dhoobleey waa Mudug!!.

Eeg Beentiisa degmada Dhoobleey ee dhacda Xad beenaadka dagaalkii ka dhacay natiija
diisa waa la ogaa iyo cidda hadda maamusha.

Tan kale Afmadoow iyo Xagar yaa sokeeya marka aad kasoo dhaqaaqdo Kenya, beenaaluhu wuxuu hadalkiisa u dhigay in Xagar iyo Dhoobley isku dhawyihiin Afmadoowna ay Kismaayo dacalka ka saarantahay.

Doqon aan diin laheyn oo daroogo cabsi uun shaqa ka dhigtay ayaa dhax ceegaaga qaranka Kartoonka ah ee Bahuuko gacanta ku hayo, mid kamida Odayaasha Muqdisho oo aan gaari BL ah islasoo raacay ayaa faallo kooban oo xaqiida ka hadleysa ka bixiyey xaaladda Murtadiinta iyo beentooda aan lugaha laheyn.

"Horta Nimakan ma waalanyihiin mise si kale ayay wax ka yihiin, bil ka hor Farmaajo ayaa noo sheegay in ay qabsadeen Muqdisho oo dhan ilaa Balcad maanta ma waxay naga gedayaan in ay Suuq Bacaad iyo Boondheere qabsadeen Oo ma dib ugurasho ayay soo sameeyeen see wax ujiraan"!!.

Odaygaasi aad buu ugu maadsanayay beenta calooshood u shaqeystayaasha oo uu ku sifeeyay Carruur marka Nac Nac lasiiya waalidkood uga sheekeeya wixii reeraha ka dhacay marka ay Nac Nac waayaana waalidkood Garka ka qabsada oo Nac Nac raadsada.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...