Thursday 24 March 2011

Shariif Xasan oo Hogaaminaya in ka Badan 100-Xildhibaan oo Maanta Muqdiho Ku soo Laabtay

Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha barlamaanka DFKMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo horkacaya in ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan barlamaanka oo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ayaa maanta soo gaaray Muqdisho.
Shariif Xasan oo beryahan ku guda jirey olole siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweyne Sheekh Shariif ayaa maalmihii u dambeeyey wuxuu ku sugnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaasoo kulamo uu kula lahaa xildhibaano iyo qaar ka mid ah wakiilada shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya.
Markii uu garoonku ka soo degey Shariif Xasan ayaa hadal kooban oo uu siyeeyey warbaahinta wuxuu ku sheegay inuu safro ku soo marey Ethiopia, Kenya iyo Ghana uuna soo dhameystey safaradaasi.
Shariif Xasan wuxuu isla maantaba baaq u jeediyey xildhibaanada inay u diyaar garoobaan ‘hawl culus’ oo barlamanka uu guda geli doono beryaha soo socda, inkastoo uusan si gaar ah u sii faahfaahin waxay tahay hawshaasi.
Sida wararku tibaaxayaan gudoomiyaha barlamaanka ayaa xildhibaanada ugu yeeraya kulamo xasaasi ah oo ka bilaaban doona Muqdisho kuwaasoo ay ka mid yihiin difaacida go’aanki mudo kordhinta ka baarandegida doorashada madaxweynaha iyo qodobo kale.
Siyaasada gudoomiyaha barlamaanka oo inta badan ah mid aan la dareemin ayaa beryahan ku wajahan madaxweyne Sheekh Shariif oo ai aad ah ay isu hayaan, waxaana dadka qaarkii ee labada nin ku dhow ay sheegayaan ay iska garab socdaan labo ajende oo iska soo horjeeda oo ay kala wadaan labada Shariif kuwaasi oo aan la ogeyn halka ay ku dambeyn doonaan.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...