Saturday 5 March 2011

Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo caawa ku hoyanaya Villa Baydhabo (Warbixin)

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa ku hoyanaya Xarunta Villa Baydhabo oo ah Taliska Ciidamada Xooga dalka, halkaasoo oo kulamo culus kula leeyihiin Saraakiisha Dowladda KMG.

Sida ay sheegayaan wararka kulamo galabta ilaa caawa ka socday halkaas ayaa ahaa kuwo ku wajahnaa xaaladaha dagaal ee Dowladda iyo qorshayaasha ay ku dooneyso in si kama dambeys ah ay ula wareegto Caasimada Muqdisho.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa saxaafada kula hadlay Xarunta Villa Baydhabo, iyadoo Madaxweynaha uu soo hadal qaaday dagaaladii ka dhacay Gobolka Gedo, gaar ahaan Beledxaawo oo uu qiray in Ciidamada Itoobiya ay dhinaca Lojistikada ee taakuleynta dhinaca saadka Ciidamada iyo hubka sida uu yiri.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dagaaladaas guulo laga gaaray, isla markaana kula wareegeen Beledxaawo, waxaana uu xusay in wax ciidan Itoobiyaan ah aanay ka qeyb qaadan.

Madaxweynaha ayaa xirnaa dharka tuutaha, halka Ra'iisul Wasaaraha uu hareer fadhiyay, dhar caadina sitay, Madaxweynaha ayaa waxaa uu kaloo ka hadlay dagaalada Muqdisho ka dhacay maanta, kaasoo uu cadeeyay in qasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Ciidamada Shabaab, isla markaana Ciidamada Dowladda ay horumar ka sameeyeen dagaalka.

Dhinaca kale Kulamada caawa ka soconaya Villa Baydhabo ayaa lagu dajinayaan qidad dagaal oo cusub, kaas oo ku wajahan Caasimada Muqdisho, si kama dambeys maalmaha soo socda looga saaro Caasimada.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda qeybahooda kala duwan ayaa caawa ku hoyana Xarunta Villa Baydhabo, iyadoo ay qeyb ka yihiin saraakiisha AMISOM ee dhanka howl gelinta u qaabilsan.

Ammaanka Xarunta ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo lagu arkay Xarunta dhexdeeda gaadiidka gaashaaman Ciidamada AMISOM iyo ciidamo fara badan sida ay u xaqiijiyeen Shabakada Jowhar.com ilo wareedyo muhiim ah.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Saraakiisha caawa ku sugan xarunta ay ka mid yihiin Wasiiro ka tirsan Xukuumada, Taliyeyaasha Ciidamada Milateriga iyo qeybahooda isugu jira Guutooyinka Ciidamada,

Jen, Indha cadde, Goobaanle iyo saraakiil uu kale ayaa lagu arkay xarunta Villa Baydhabo, sidoo kale waxaa ku jira Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo xubno kale.

Qorshayaasha Dowladda KMG ah ay wad ayaa ah mid guud ahaan guluf ah oo ay ku dooneyso in gobolada iyo deegaanada ay aagag dagaal oo ay kaga saarto Xoogaga Al-Shabaab ee gacanta ku haya dhulka baaxada leh ee Gobolada dalka.



Hoyga wararka Somaliyeed
www.jowhar.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...