Saturday 5 March 2011

Madaxweyne Faroole: Somaliland Haddey Gooni Isutaag Dooneyso Soomaalida ha Weydiisato

Roma (RBC) Madaxweynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamuud Faroole oo hadda socdaal ku maraya wadanka Talyaaniga ayaa ka hadlay siyaasada maamulka Puntland ee ku wajahan dib u heshiisinta Soomaaliya iyo kaalinta ay Puntland ka qaadaneyso.
Madaxweyne Faroole ayaa shalay galab hadal dheer ka jeediyey jamaacada Rome tre ee magaalada Rome isagoo halkaasi ku sharaxay xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo colaadaha ka taagan deegaanka Kalshaale ee duleedka degmada Buuhoodle.
Madaxweynaha oo ka hadlay geedi socodka siyaasadda Soomaaliya yo xiriirka DFKMG iyo Puntland ayaa wuxuu sheegay in Puntland ay marwaklba tiir dhexaad u tahay arimaha Soomaaliya, maadaama deegaanada Puntland ay hoy u noqdeen dad fara badan oo Soomaaliyeed oo meelo kala duwan ka soo barakacay.
“Marna suuragal noqon meyso in wax aysan ku jirin Puntland dalka laga sameeyo waayo inaan ogaano waa muhim. maxaa yeelay Puntland waxay sal iyo hoy u noqotay dadkii dalka ka soo barakacay oo dhan”, ayuu yiri madaxweyne Faroole.
Arinta waqti kordhintaa saddexda sano ee barlamanka KM uu sameeyey bishii Febraayo ayaa madaxweyne Faroole wuxuu sheegay in taasi Puntland ay diiday ayna cadeysay mowqifkeeda waqti hore, isagoo sababtana ku sheegay in aan loo baahneyn dad kursiga iska fadhiya balse loo baahan yahay in la garto in kurisigu uu yahay xil Soomaali oo dhan wada leedahay, iyo dad waxqaban kara.
Wuxuu sidoo kale cadeeyey in arinta waqti kordhinta ay xitaa diideen madaxdii ugu sareysay TFG sida madaxweynaha iyo raisul wasaaraha iyo sidoo kale beesha caalamka oo taageerada siiya DKMG.
Sidoo kale wareysi uu madaxweynuhu maanta siiyey BBC ayuu si gaar ah uga hadlay xiriirka Puntland iyo Somaliland wuxuuna sheegay madaxweyne C/raxmaan Faroole in Somaliland ay fahmi la’ dahay halka ay wax ka raadineyso.
“Ma ahan in meelaha la warwareego ee haddey Somaliland gooni isu taag dooneyso Soomaalida ha weydiisato..”, ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Mar uu ka hadlay arinta heshiiskii Puntland iyo Galmudug ee dhawaan lagu saxiixay Garowe ayaa wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu saldhig u yahay dadaalada nabad raadinta iyo dib u heshisiinta Puntland ay ka dhex wado Soomaalidam wuxuuna madaxweynuhu sheegay in Mudug lagu horeysiiyey maadama colaadaha Soomaaliya intooda badan Mudug kasoo bilawdeen.
Mdaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Puntland xiriir aad u fiican la leedahay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee gobolada dhexe gacanta ku haya, wuxuuna xusay in iskaashi buuxa oo leh dhinacyo badan la leeyihiin Ahlu Sunna.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...