Saturday 12 March 2011

Beesha Absame "Gaandi Gaalnimaan ku naqaan Axmed Madoobana waa noola mid, Kenya in aan ku duulaan diyaar u nahay" (wareysi).

Xilli ay dagaallo kasoo cusboonaadeen Xad beenaadka ay wadaagaan  Jubbada Hoose iyo   Kenya ayey beesha Absame war adag kasoo saartay dagaalada ay cadawgu xad beenaadka kasoo abaabulayaan.


Suldaanka Beesha Absame Suldaan Saabir oo Caawa wareysi siiyay shabakadda AmiirNuur Media ayaa sheegay in beesha Absame oo kaashanaysa Mujaahidiinta weeraro ku qaadi doonaan dowladda Kirishtanka Kenya.

Suldaan Saabir ayaa si kulul u sheegay in Siyaasiyiin beesha katirsan oo hadda cadawga soo horkacaya talaab laga qaadi doono sida Axmed Madoobe iyo Maxamed Cabdullaahi Gaandi oo uu Suldaanku Murtadiin ku tilmaamay.

"Gaandi Gaalnimaan ku naqaan Axmed Madoobana waa noola mid, beesha Absame waxay iclaamineysaa dagaal Jihaad ah oo lala galo Murtadiinta iyo Kirishtanka Kenya"ayuu yiri Suldaan Saabir.

Beesha Absame waxay u hambalyo u dirtay Wilaayada Jubbooyinka guulaha ay ka gaartay dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka Diif ee lagu kala Eryay Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe.
AmiirNuur Media kala dhegayso Wareysiga oo Maqal ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...