Saturday 12 March 2011

Dagaalkii Diif oo gudaha Kenya leysla galay iyo Maleeshiyaad Axmed Madoobe oo go'doonsan

amiirnuur.comCiidamada Mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa kusii garguuranaya deegaanno iyo tuulooyin dhaca gudaha dhulka Soomaalida NFD ee Kenya xoogga ku heysato. Kadib dagaal culus oo maanta ka dhacay tuulada Diif ayey ciidamada Mujaahidiinta ku baacsadeen Axmed Madoobe iyo Maleeshiyaadkiisi mooryaanta ahaa ee Kenya soo abaabushay.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa AmiirNuur Media u sheegay in maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe ay ku go'doonsanyihiin inta u dhexeysa Diif iyo Dhoobleey ayna la'yihiin meel ay u baxsadaan.
Weriye Feysal oo Kismaayo ku sugan ayaa noo xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta ay Maleeshiyaadkaasi ka daba maryeeyeen Diif waxaana jira xariiro ay soo sameynayaan si loo bad baadiyo.
Dagaal kooban ayaa la sheegay in qorax dhicii caawa ka dhacay Diif Kenya oo ay maanta duhurkii gaareen maleeshiyaad baxsad ah oo Axmed Madoobe taabacsan, warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in dagaalka leysla galay gudaha dhulka Soomaalid ee Kenya gumeysato waxayna Shabaabku doonayaan in ay Axmed Madoobe Nolosha ku qabtaan ama ay soo dilaan.
Wararka yaa intaasi ku daraya in qaar katirsan maleeshiyada Axmed Madoobe ay Xiriir lasoo sameeyeen Odayaal Afmadoow ku sugan waxayna codsadeen in labad baadiyo iyana ay hubka soo dhiibaan kana baxaan dagaalka arrinkaasi oo ay wada tashi ka leeyihiin maamulka Afmadoow iyo Odayaasha.
Ciidamada Mujaahidiinta ee Diif qabsaday ayaa demiyay Isgaarsiintii deegaanka si aysan wax xariir ah u helin maleeshiyaadka kala firxaday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...