Tuesday 22 March 2011

Dhoobley oo Nabdoon iyo Ciidamada Xisbada oo Howllo maalmeedkoodii gudanaya.

Xaaladda  degmada Dhoobleey ee wilaayada Jubbada Hoose ayaa dagan kadib dagaaallo culus oo maalin ka hor ku dhaxmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo ciidanka Kirishtanka Kenya oo kaabaya Maleeshiyaad Soomaali ah.


Wararka nagasoo gaaraya Dhoobley ayaa sheegaya in Cadawga Kenya uu xalay madaafiic burbur geysatay ku duqeeyay degmada kadib markii dagaaladii dhacay looga adkaaday maleeshiyaadkii iyo ciidankii Kenya ee isagarabsanayay.

Weriye Cabdi Raxmaan Abuu Hureyra ayaa soo sheegay in jawiga magaalada yahay mid degan waxaana si caadi ah u shaqeynaya ciidankii Xisbada ee qaabilsan farista macruufka iyo reebidda Munkarka.

Ilaa iyo 5 guri ayaa ku gubatay madaafiicda hoobiyaasha oo ay cadawgu kusoo garaceen degmada balse waxaa yasirraa khasaara soo gaaray shacabkeena Muslimiinta ah.

Dhinaca kale waxaa Dhoobleey kusoo qulqulaya shacab Mutadawiciin ah oo doonaya in ay ka qeyb qaataan dagaalka Jihaadka ah ee lagula jiro ciidamada Kirishtanka iyo Maleeshiyaadka shareeca diidaka ah.

Geesiyada Towxiidka ayaa maalin ka hor cashar lama ilaawaan ah dhoobley ugu dhigay cadawga isbahaysanaya oo Bakhtigiisa weli daadsan yahay dhulka Howdka ah ee Dhoobley ku dhaw.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...