Tuesday 22 March 2011

I Fur Ama i Sheego)(Fadeexado hor leh oo kasoo shaac baxaya Soomaalida Norway iyo Dumarkii Soomaaliyeed ee Dalka Norway oo Farqaha Heesta Nimanka

I Fur Ama i Sheego)(Fadeexado hor leh oo kasoo shaac baxaya Soomaalida Norway iyo Dumarkii Soomaaliyeed ee Dalka Norway oo Farqaha Heesta Nimanka PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 22 March 2011 00:22

50% ilamaha Soomaalida waxay u dhashaan Hooyo iyo Aabe aan is qabin Iyadoo maalmihii la soo dhaafey ay Booliska dalka Norway baacsanayeen qoyses Soomaali ah oo ku eedeysan in ay maaliyiin lacag ah dalkaasi uga dheceen qaab farsamaysan, ayaa waxaa hadana isa soo taraya xogaha laga helayo arintaas.

Sida lagu soo waramayo, Booliska ayaa helay intii uu hawlgalka ku guda jirey lacago badan oo Dollar ah oo guryaha lagu haystay, oo aan dhab ahaan loo garanaynin waxaa loo isticmaali lahaa iyo halka laga keenay, maadama qoyseskani ay ahaayeen kuwa ku nool gacan qabashada hay'adaha daryeelka ee tabantaabiya dadka aadka faqriga u ah ee bulshada dalkaasi.

Arimahanina waxay ku soo aadyaan xilli ay Qatar tahay in lacago badan guryaha la dhigto, ayna laga maarmaan tahay in caddeyn loo helo halka ay lacagaha qof waliba kasoo galaan, maadama cabsi weyni oo la xiriirta argagixisada ay jirto xiligan, oo ay lacagaha noocaan ahina shakiyo noocaas ah abuuri karaan.

Rag badan ayaa wararku sheegayaa in ay reerahooda ka carereen, qaarna waxa ay jabeen iyagoo jaranjarada ku baqanaya, waxaase Qatar badan in ay keentay in qoysas badan dhab ahaan is furaan si ay arintaan uga baxsadaan oo qoysas is jeclana sidaas ku dumeen.

Dhinaca kale warbixin ay soo saartay xarunta tirakoobta dadweynaha ee dalkaasi Norway ee iyado loo soo gaabiyo SSB ayaa shaaca ka qaadey in bulshadda Soomaalida ah dalkan dagan oo tiradoodu gaareyso ilaa 25 kun ay guud ahaan caruurta ay dalkaan ku dhalaan 50% (konton boqolkiiba) ku dhashaan aabe iyo hooyo aan is qabin, amaba kala guurey oo kala irdheysan, taasina waxay calamatu su'aal weyn kor saareysaa sida ay suurta gal ooga tahay arintani mujtamac Muslim ah oo ay tahay in ilmuhu ku dhasho hab guur xalaal ah, waxaase yaab ah in ay Soomaalidu ku kali tahay arintan, oo ayna la qabin bulshooyinka Muslimka ah ee kale ee ku nool dalkaasi.

Dadka arimahan sida hoose oola socda ayaa ku macnaynaya in arintani tahay, iyadoo haweenayda iyo ninkeedu ay isku diiwaan galiyaan in ay kala guureen oo kala caroodeen ama is fureen si markaasi xaaska iyo caruurtu lacago badan oo dhinaca daryeelka ah ooga helaan Hay'adaha qaabisan arimahaas

Afhayeen u hadlay Hay'adda daryeelka Bulshada ee dalka Norway oo iyadu loo soo gaabiyo magaceeda NAV, ayaa waxaa uu talafishinka dalkaasi NRK u sheegay in halkii ilmood noocaas ahi ay dowladda ooga baxdo qiyaastii 15000 oo Karoon oo u dhiganta 2500 oo Dollar, taasina waxaa micnaheedu yahay in dadkaasi oo labatankii sano ee egu danbeysay howlahaasi ku shaqeysanyey ay dowladda ka dheceen lacago aad u badan.

Qoysaska arimahaasi ku cadadeen ayaa waxaa la filayaa in maxkamad lasoo tago dhawaan, waxayna sharci yaqaanadu sheegayaan in ay mudan doonaan xarig, ganaax lacageed oo badan iyo waliba in ay soo mag dhabaan dhamaan lacagihii ay ay sharci darrada ku qaateen oo dhan.

Arintani waxay kaloo soo dadajisay in caruur badan oo Soomaaliyeed laga qaato waalidiintood, ka dib markii lagu eedeyey in caruurtooda ay si fiican u daryeeli wayeen oo lacagihii dowladdu magacooda ku bixisayna siyaabo qaldan loo isticmaaley, laakiin waxaa xusid mudan in qoyaska shaqeysta ayna arintaas sahlanayn inay ku dhacdo maadama ay lacaghooda ay u madaxbanaanyihiin hab isticmaalkeeda oo ayna awood u lahayn hay'adaha daryeelku inay soo faragaliyaan.

Culimada ku xeel dheer diinta Islaamka ayaa sheegaya in arintani isticmaalkeedu, iyadoo haddii qoysaska Islaamka ahi sheegaan in ay is fureen ay tahay sharci ahaan mid dhab u dhacdey, oo aan soconayn in laga dhigo ciyaar taasina ay Qatar galinayso caruurta jidkaasi ku dhalanaysa, iyadoo lacagta dariiqaa lagu kasbyna ay tahay xaaraam qadcan ah

Islaamka ayaa qaba in qofka muslimka ah shaqeysto, iyadoo Nabigeena (CSW), saxaabada iyo muslimiintii sharafta badnaa oo dhan ay ahyeen dad cuna waxa ay shaqeystaan, taaso u ahayd xalaal quudasho iyo dhowrsanaan sharafeed labaduba

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...