Tuesday 9 August 2016

General Gaafoow ”Cid aan haysan Kaarka Dhalashada kama dhoofi karo Dalka”


 
135
 
0
SHARE 
Muqdisho(SONNA)—, Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Janeral Cabdulaahi Gaafow Maxamud Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaliyed Bashiir Maxamed Jaamac, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale iyo Taliyaha qeybta guud ee Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi ayaa Maanta Shir wadajir ah ku yeeshay Xaruunta Dowlada hoose ee Xamar.
Shirkaasi kadib ayaa waxay qabteen Shir jaraa’id oo ay ugu hadlaayen qaadashada kaarka aqoonsiga ee Dowlada Hoose (Teesaro Munushiibiyo), iyadoo ugu horrayntii ka hadlay Taliyaha Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya Janeral Cabdulaahi Gaafow Maxamud ayaa warbaahinta u akhriyay amarka ka soo baxay hey’adaha ammaanka Dowlada iyo maamulka Gobalka Banaadir
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Hey’adaha ammaanka ay talaaba ka qaadi doonan , Muwaadinkii aan qaadanin kaarka dhalashada Dowlada hoose ee Xamar, islamarkaana uusan ka dhoofi Karin Garoomada Diyaaradaha ee Dalka uuna wayn doono adeegyo badan oo lagamamaarmaan u ah.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale Madaale ayaa isna sheegay in Dowlada hoose ee Xamar ay bulshada Soomaliyeed u fududeyn doonto qaadashada kaarka aqoonsiga, isagoo yiri “Bulshada qaadaneysa kaarka dhalashada Dowlada hoose ee Xamar waxaan u fududeyn doonaa in ay si sahlan u qaatan kaarkaasi, waxaan ballaarin doonaa goobaha laga baxsho kaarka aqoonsiga waana waajib in Muwaadin kasta uu kaarka aqoonsiga qaato”gafow1gafow2gafow3

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...