Wednesday 17 August 2016

Madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu hogaaminayaa oo u dhaafay dalka dalka Ethiopia (Sawirro iyo Cod)


Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta 17 Agoost, 2016 safar shaqo ugu amba baxay magaalada Addisa Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.
Madaxweynaha oo ay Safarkiisa ku weheliyeen xubno ka tirsan golaha xukuumadda   Puntland ayaa waxaa uu ku maqnaan doonaa magaalada Addis Ababa maalmo kooban, isagoona kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sarraysa dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa ka hor intii aanu ka amba bixin garoonka diyaaradaha ee Konoko waxa uu warbaahinta u sheegay in uu dalkaasi u aadi doono hawlo shaqo oo ay ka mid tahay  dhammaystirka wada hadallo u socdey dawladda Puntland iyo dawladda Itoobiya oo la xiriira iskaashiga dhinacyada Ganacsiga iyo ka hor tagga xag-jirnimada.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay in ay kawada hadli doonaan Puntland iyo Itoobiya sidii loo furi lahaa Kastamka Tuurdibi ee u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, kastamkaas oo ay Puntland dhineceeda soo dhammaystirtay dhammaan waxyaabihii looga baahnaa.
“Maanta waxaan safar shaqo oo dhowr beri ah u aadi doonaa magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, oo aan u aadayo dhammaystirka hawlo qabyo ah oo muddo noo soo socdey oo ay ka mid tahay iskaashiga ganacsiga, Nabad-gelyada iyo ka hor tagga argagixisada oo labada dawladoodba ku ah dhib joogto ah” ayuu yiri Madaxweyne Dr Cabdiweli.
Halkaan ka dhageyso

Audio Player

Halkaan ka daawo sawirro
IMG_3526 IMG_3527 IMG_3539 IMG_3541 IMG_3543 IMG_3545 IMG_3546 IMG_3548 IMG_3555
—Dhammaad—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...