Thursday 14 April 2011

C/laahi Yusuf oo Shirka Nairobi Canbaareeyey

 

Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa sheegay in shirka Nairobi ay wataan dowladdo shisheeye oo doonaya inay Somalia gumeystaan
Lahaanshaha: ASSOCIATED PRESS

Madaxweynihi hore ee Somalia, C/laahi Yusuf ayaa ka hadlay shirka wadatashiga ee xalay lagu soo afjaray Somalia.

C/laahi Yuusuf, wuxuu sheegay in shirkaasi aanay ku jirin danta Somalia, isla markaana ay ka danbeeyaan dowladda doonaya inay Somalia gumeystaan. Madaxweynihii hore wuxuu taageerray go'aanka DKMG ay ku diiday inay ka qeybgasho shirka Nairobi, isagoo si weyna u canbaareeyay ergooyinkii Soomaalida ee shirkaasi ka qeybgalay.
Mar uu ka hadlayay khilaafka hadheeyey madaxweyne Shariif iyo guddoomiye Shariif, wuxuu sheegay in guddoomiye Shariif ay dabada ka riixayaan dowladda shisheeye oo aan dan u wadin Somalia.
C/laahi Yusuf, wuxuu kaloo xusay in ka qeybgalka Puntland ay ka qeybgashay shirka Nairobi uu yahay go'aan shaqsi ah oo uu qaatay madaxweynaha maamulka Puntland Max'ed Faroole, go'aankaasina lama qabaan dadka Putland ayuu sheegay C/laahi Yusuf.
Wareysiga oo dhameystiran qeybta hoose ka dhageyso.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...