![]() | ![]() | ![]() |
Written by Administrator |
Tuesday, 26 April 2011 23:10 |
![]() Agaasimihii Waxbarashada ee Somaliland Cali Maxamed Cali Nuur oo loo yaqaan ‘CaliCali’ ayaa xukuumadda Somaliland u gacan-gelisay Sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaan (FBI), isaga oo ku eedaysan budhcad badeednimo,ninkan ayaa hadda la keenay Maraykanka, waxaana laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Dallas Airport, ee Gobolka Virginia.Cali Cali oo muddaba ka shaqaynayey dalka la magac baxay Somaliland ayaa shirqool mudda ka hor loo abaabulay lagu soo afduubay. Waxa lagu eedeeyey inuu dillaal u ahaa budhacad badeed markab dalka Denmark laga lahaa afduubatay mudda hore. Iyadoo sida Caliba fiidyowga uu kaga hadlayo, kal hore waraysi lagula yeeshay Jabuuti, waraysigaas oo ahaa hordhicii shirqoolka, ayuu ku sheegayaa inuu isagu u dhex galay budhacadda iyo mulkiilayaasha markabka si uu u badbaadiyo dadkii afduubnaa iyo markabkaas MV Danica White la oranayey. Wuxu kaloo sheegay inuu dersayey budhcaddu hababka ay wax ku afduubato, maaddaaba dad badani ku wareersan yihiin, tabaha ay istimaalaan. Wuu beeninayaa in haba yaraatee uu wax lug ah ku leeyahay budhcadda.Sida la ogyahay Cali wuxu xukuumadda Somaliland ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, xilkaas oo uu mudda hayey. Dhowaan ayay ahayd markii ay soo duushay in Cali iyo Wasiir Kuxigaha Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cali Xaammud, ay is qabteen, khilaafkooduna gaaray gacan ka hadal, arrintuna socotay illaa Siilaanyo. Waxa taas ku lammaan oo kale xabsiga ay dawladda Somaliland ugu yeertay ‘Xabsiga Budhcad Badeedda’ ee dhowaan la dhammays tiray Sii Akhri |
No comments:
Post a Comment