
Maxamed Cabdi Kaliil oo maanta markii uu tegey magaalada Garbahaarey khadka telefoonka kula hadlay RBC Radio ayaa sheegay in cafiskan ay ka faa’ideysan doonaan oo kaliya cidii ka fariisata qaska iyo carqaladeynta amniga isla markaana ka harta taageerida kooxaha fawdada wada, sida uu yiri.
Wuxuu intaa ku daray gudoomiyaha gobolka Gedo in sidoo kale DKMG horey u sheegtay inaysan waxba u raacan doonin cidii ka tirsaneyd dagaalyahanada Al-Shabaab ee hubka iska soo wareejisa kana mid noqota dadweynaha, wuxuuna intaa sii raaciyey in lacag ay ugu bedeli doonaan hubkooda.
Hase yeeshee wuxuu Kaliil ku goodiyey in aysan ka hari doonin kuwa weli dagaalamaya ee ka tirsan Al-Shabaab isagoo sheegay in ciidamada DKMG iyo kuwa Ahlu suna ay hadda u jiheysteen degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo oo ah labada degmo ee kaliya ee ka tirsan gobolka Gedo ee weli ku harsan gacanta Al-Shabaab.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment