Monday 25 April 2011

Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Garbahaarey iyo warar sheegaya in Shabaabka ka baxeen

Wararka ka imaanaya qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaar garow dagaal laga dareemayo deegaano ka tirsan Xarunta Gobolkaas ee Garbahaarey, kadib markii maalintii shalay ay ku jiheysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda KMG oo dhowr jihi ka soo aaday degmadaas.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda oo dagaalo kula jiray Xarakada Alshabaab ayaa la sheegay inay gaareen Tuulo lagu magacaabo Gal-Barwaaqo oo u dhow Garbahaarey, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Dowladda oo ka baxay Beledxaawo ay ku hubeysan yihiin gaadiidka dagaalka, waxaana dadka ku dhaqan tuulooyin u dhow dhow Garbahaarey ay xaqiijiyeen in saan saan dagaal aad u weyn laga dareemayo.

Warar qaar ayaa sheegaya in Shabaab ay isaga baxeen Garbahaarey, ayna qabteen deegaanka Buurdhuubo, taasoo la sheegayo inay tahay mid xeelad dagaal iyo dabin ay doonayaan inay ugu dhigaan Ciidamada Dowladda oo ku soo wajahan degmada Garbahaarey.

Shabaabka ayaa maalmihii la soo dhaafay luminayay deegaano ku yaala Koofur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo dagaalo ka dhacayay, iyadoo hada u muuqato mid ay sii luminayaan deegaano hor leh oo ka tirsan Gedo.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Dowladda KMG Maxamed Cabdi Kaliil uu sheegay inay ku wajahan yihiin degmooyinka Baardheere iyo Garbahaarey, oo saldhig u aheyd Alshabaab, ayna gacanta ku dhigi doonaan.

Dagaalo xiriir ah ayaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay deegaano ka tirsan degmada Ceel-Waaq, kaasoo ay siyaabo kala duwan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Shabaab guulo ugu kala sheeganayay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...