Monday 25 April 2011

Xildhibaanada Taageersan Shariif Xasan oo Ka Soo Horjeestay Go’aankii Golaha Wasiirada

Muqdisho (RBC) Kadib kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho golaha wasiirada ee DKMG kana soo saareen go’aan ku saabsan in doorasho xilligan dalka aysan ka dhici karin ayaa waxaa arintaasi gaashaanka ku dhuftey xildhibaanada taageersan afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadam.
Shir gaar ahaa oo shalay xildhibaanada guddiyada joogtada ah ee barlamaanka iyaguna ku yeesheen guriga Shariif Xasan ayey ka soo saareen qodobo ay ku sheegeen in doorashada ay dhacayso bisha August 2011.
Xildhibaan Cawad Axmed Cashara oo ka mid ah mudanayaasha kulankaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in go’aanka golaha wasiirada aan la aqbali karin, wuxuuna  xukuumada ugu baaqay inay gargaarto dadka siduu yiri.
Sidoo kale xildhibaan Maxamed Sheekh Yuusuf Direed oo isaguna ka mid ahaa xubnihii saxaafada u waramay ayaa go’aanka golaha wasiirada ku tilmaamay mid ka hor imaanaya sharciga dalka, isagoo sheegay in barlamaanka uu diyaar u yahay inuu qabto doorasho madaxtinimo.
Waxay mudanayaashii ka hadlay goobta shaliilo u soo jeediyeen madaxweyne Sheekh Shariif oo ay ku tilmaameen inuu xukunka isku dhajinayo isla markaana taageero ka raadinaya dawlada Jabuuti.
Hadalkan ka soo baxay xildhibaanadan oo ah kuwo fikir ahaan a safan afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaya xilli khilaafkii dawlada dhexdeeda ka jiray uu sii weynaanayo maalibna maalinta ka dambeysa isla markaana maalin kasta ay dhinacyada soo kala saarayaan war saxaafadeedyo iska soo horjeeda.


RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...