Monday 25 April 2011

Dood Furan: Ma Daawanaa Dabargoynta Dadkeena?

Gaalkacyo (RBC Radio):- Bilihii ugu dambeeyay deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland waxaa ka bilowday dialka qorsheysan iyo qaraxyada lala eeganayo shaqsiyaadka bulshada qiimaha u leh ama ugu muhiimsan sida Aqoonyahan, Waxgarad, Siyaasi iyo qof kasta oo wada danta shacabka.
Dilalkaasi iyo dhibaatooyinka qaraxyada laamiyada hareerahooda lagu aasayo ayaa ilaa iyo iminka ka soconaya magaalooyinka waaweyn haba u badnaadeen labada magaalo ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, mana jirto ilaa iyo iminka cid arintaasi ku guuleysatay in ay joojiso.
Waa yaabe marka hore yaa dadka leynaya?
Waa su’aal mudan in la isweydiiyo oo inta caqliga laga shaqeysiiyo la soo bandhigo jawaabta ay leedahay, waa marka ugu horeysee marka ay dhacdo timaado oo ay galaafato shaqsiyaad muhiim ah waxaa la yiraahdaa waxaa la dilay hebel oo muhiim ahaa, yaa dilay, lama yaqaan, laakin wuu baxsadey kii dilka geystay.
Xaqiiqdii taasi ma aha wax suurta gal ah shacabka Puntland laguma aqoon habacsanaanta maanta heysata, waxaana meesha ka maqan doorkii wada tashi iyo is abaabul ee shacabka Puntland si ay uga gaashaantaan musiibada uga imaneysa kooxaha dhiigyacabka ah ee ugaarsada dadka ka soo baxa ama galaya markaasi guryaha Alle oo aan ula jeedo Masaajida.
Dareenka Shacabka Puntland
Shacabka Puntland ayaa dareenkoodu la jiraa in balaayada dadka leyneysa aysan aheyn kuwa Puntland gudaheeda laga soo abaabulay hase ahaatee ay ka yimaadeen meelo kale oo laga soo agaasimay, waxaana markasta ay tuhun ka qabaan in dhibaatooyinka ku dhacaya shacabka Puntland ay kooxda Al-shabaab qeyb ka tahay.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...