
Dagaalka ayaa socday saacado kooban, waxaana uu reebay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana dhimatay ku dhowaad shan ruux halka uu dhaawac soo gaaray dad lagu qiyaasay toban ruux.
Labada dhinac ee dagaalamayey ayaa ah maleeshiyaad ka soo kala jeeda qaar ka mid ah beelaha degan Gaalkacyo, waxaana gebi ahaanba ciidamada amniga Puntland ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan labada maleeshiyo ee dagaalamayey.
Dagaalka saameyntiisa ayaa laga wada dareemay dhamaan qeybaha magaalada Gaalkacyo, waxaana jira raadad cabsi galiyey dadweynaha oo uu reebay dagaalka maanta duhurkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo.
Labada maleeshiyo beeleed dagaalka dhexmaray ayaa ka dambeeyay kadib markii nin ganacsade ah lagu dilay gurigiisa oo ku yaalay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo labada maleeshiyo iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan lagu dhex dhexaadinayo.
Dagaalka maanta dhacay kadib waxaa maamulka cusub ee gobolka Mudug uu magaalada ku soo rogay bandow, waxaana bandowgaasi uu ka bilaabanayey fiidnimada caawa ah, iyadoo sidoo kalena la mamnuucay in hubka magaalada lagu dhex qaato.
No comments:
Post a Comment