Monday 25 April 2011

Ilo Wareedyo: Duulaankii Dhuusamareeb Waxaa ku fashilmay Qorshihii Itoobiya ee Gobolada dhexe.

Duulaankii qorsheysnaa ee shalay ka dhacay magaalada Dhuusabareeb ayaa ka fajaciyay dhamaanba Mushrikiinta iyo kuwa Qabuura caabudka ah ee Itoobiya kusoo anshax xumeysay dalkeeda.

Mujaahidiinta ayaa gaaray hadaafkii ay ka lahaayeen dagaalka waxayna gacanta kusoo dhigeen hub iyo dukumiintiyo muhiim ah oo ku keydsanaa xafiisyo ay  Dhuusamareeb ku lahaayeen  hay'ado Kirishtan ah.

Ilo wareedyo aan helnay ayaa xaqiijinaya in hub farabadan iyo qalab muhiim ah oo ay lahaayeen Mushrikinta iyo sirdoonka Itoobiya lagaarsiiyay degmooyin katirsan Galguduud oo ay Mujaahidiinta Somaliya maamulaan.
Weerarkii shalay oo ahaa mid gaadmo ah ayey si wanaagsan ugasoo shaqeeyeen wardoonka Mujaahidiinta oo marqura u dhaadhacay ubucdii cadawga ee Dhuusamareeb.
Saraakiil katirsan Mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in hadafkii weerarka Dhuusamareeb lagaaray waxayna mujaahidiintu soo rarteen Bakhaaro Hub ah, xafiisyo ay Mushrikiinta iyo Itoobiya ku shaqeynayeen.
Sidoo kale Maxaabiis Nool ayey ciidamada Mujaahidiinta gacanta kusoo dhigeen, Mushrik Xeefow ayaa maanta duhurkii gaaray Dhuusamareeb wuxuuna Indhihiisa ku arkay Xafiiskiisii oo haawanaya.
Idaacad ay Mushrikiintu dhawaan geeyeen Dhuusamareeb ayaa iyana kamid noqotay waxyaabaha ay qaniimeysteen ciidamada mujaahidiinta.


AmiirNuur Media Muqdisho,Somaliya
AmiirNuurmedia@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...