
Nabaddoonka ayaa dabley hubeysani toogasho ku dileen xilli uu ka soo baxay masjidka Rashiid ee xaafada New Boosaaso, waxaana Nabaddoonka lala dhaawacay oo la socday Nabaddoon kale oo dhaawac uu ka soo gaarey dhinaca gacanta.
Kooxda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay kadib dilkii ay u geysteen Nabadoon Siciid Cumar Xasan (Kaashawiito) inkastoo ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso ay soo qab qabteen rag la tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin dilkii xalay fiidkii loo geystay mid ka mid ah Nabaddoonada gobolka Bari.
Dilalka qorsheysan ee masaajida hortooda loogu geysanayo Nabaddoonada iyo dhamaan Waxgaradka ayaa mudooyinkani ku soo badanayey deegaanada Puntland iyadoo ilaa iyo iminka cid wax ka qabatay arimahaasi aysan jirin, inkastoo ciidamada amaanku ay mararka qaar soo qabtaan rag la tuhmo ugu dambeyna ay sii daayaan.
Nabaddoon Kaashawiito ayaa ahaa shaqsi magac ku leh bulshada magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari, waxaana saaka lagu wadaa in lagu aaso magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
RBC Radio.
No comments:
Post a Comment