Sunday 24 April 2011

Jawaab Celis Akhriste kale: Gadabuursi (Samaroon ) Cabashadiisu “Waa Baroortu Orgiga Ka Wayn”.


Gadabuursi (Samaroom) waa qabiil Soomaaliyeed oo ka mid ah qabiilada dega Ismaamulka Soomaalida Itoobiya xaq iyo xuquuqna u leh inay wax laqaybsadaan ummadda Soomaaliyeed ee k u dhaqan kililka 5aad. Waxaa haddaba beryahan socday cabasho iyo dacwad ay wadaan odayada, aqoon yahanka iyo qurba joogta dibadaha ku nool ee u dhashay qabiilka Samaroon. Dadkan ayaa ka cabanayay maamulka dawladda deegaanka Soomaalida oo ay sheegeen in ay xuquuqdii beesha ay duudsiyeen oo ay ku dulmanyihiin maamulka hadda jira. Haddaba waxaa isweydiin leh miyay ku dulman yihiin mise waa loo sadburiyey oo waxay haystaan xuquuq ka badan intii ay xaqa u lahaayeen?

Si aan haddaba su’aashaas jawaab ugu helno waxaan qoraalkan ku falanqayn doonaa qoddobadan soo socda
1. Deegaanka ay degaan baaxadiisa,
2. Masuuliyiinta maamulka ugu jirta heer dawlad dhexe iyo kan degaankaba,
3. Dhinaca horumarka iyo
4. Tiradda dadka degan degaanka beesha.

1.Degaanka ay degaan baaxadiisa

Gadabuursi (Samaroon) waxay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka degaan labo degmo oo lala wadaago oo kala ah Awbarre iyo Danbal. Awbarre waxaa hoos yimaada Lafa ciise, Sheed-dheer, Xero-geel, Jaare, Gogti iyo Toga-wajaale. Degmada Danbalna waxaa hoos yimaada Arraabi iyo lo’wanaaje. Haddaan fiirino dhulkaasi dhererkiisa ugu dheer waa Gogti ilaa Awbarre oo isku jira kontan kiilomitir ilaa lixdan Km(60KM), balaciisuna waa Awbarre ilaa Lafa ciise oo isku jira shan iyo soddon kiilomitir ilaa afartan km(40KM). Deegaanku wuxuu isugu jiraa ban wax laga beerto, xoolana ku dhaqmi karaan oo aan sidaasi u badnayn, buuraleey aan sidaasi u weynayn oo xoolo ku noolaan karaan gaar ahaan adhiga, degaanka Harawo oo aan loo degi Karin kaneeco iyo colaad u dhaxaysa labada reer ee Makahiil dheere iyo Bahabar cabdalla afartankii sano (40 sano) ee ugu danbaysay oo qolo waliba ay sheeganayso in ay iyadu leedahay.

Degmada Awbarre waxaa la dega Isaaq gaar ahaan Habar awal (Jibriil Abokor) oo dega Tog-wajaale iyo hareeraheeda oo aan odhan karo waxay ka degaan marka seddex meelood loo qaybiyo meel ahaan (1/3 ); Degmada Danbalna waxay wadaagaan qabiilka Ciise oo aan odhan karo, ka hor dagaalkii sokeeye ee dhexmaray labadan qabiil ee walaalaha ah Ciise iyo Gadabuursi (1989 – 1991) waxaa ku badnaa Ciise. Colaadaasi sokeeye awgeed waxay qabiilka Ciise u qaxeen jabuuti oo ay ku jiraan xeryaha qaxootiga taasi oo keentay in ay u kala qaataan 50% awooda maamul ama shaqaale wakhtigan xaadirka ah.

2. Masuuliyiinta Maamulka ugu Jira

Waxaan jeclahay inaan ku soo koobo shaxdan hoos ku qoran:
Xilalka guud ee heer Federaal iyo mid kilil Tiradda guud ee ay soomaali oo dhan hesho Inta Gadabuursi keligii helo
1. Golaha baarlamaanka dawlada dhexe ee Itoobiya 23 xildhibaan 1 xildhibaan

2. Golaha Federaalka ee dawlada dhexe 5 xubnood 1 xubin

3. Safiirada ama qunsuladda 5 dhiblo maasi 1 Diblomaasi ama safiir oo itoobiya u fadhiya Kenya (ambassador Shamsadiin) horayna u fadhiyay jabuuti ka horna ahaan jiray wasiir ku xigeenka macdanta iyo tamarta

4. Badhasaabyo 9 badhasaab 1 (badhasaabka Gobalka Jigjiga)

5. Baarlamaanka degaanka soomaalida 186 xildhibaan 7 xildhibaan ( 5 xildhibaan oo Awbare ah iyo 2 xildhibaan oo Danbal Ah)

6. Golaha madax xafiiseedada heer degaan 30 madax xafiiseed 4 madax xafiiseed (Hanti dhawrka guud, ku xigeenka garsooraha maxkamada,madaxa macadka caafimaadka jigjiga iyo madaxa Water Enterprise oo u qaabilsan qodida ceelasha riigaga

7. Agaasimayaasha Guud 120 agaasime 20 Agaasime
8. Aqoonyahano ka hawl gala degaanka 9 Zone 100% 15%
9. Shaqaalaha guud ee hayadaha samafalka 100% 20%

3. Dhinaca Horumarka

Waxaan odhan karaa dhinaca horumarka degaanka Ismaamulka Soomaalida degmooyinka beeshu waxay ku jiraan ama ay yihiinba kuwa ugu horumarsan. Tusaale ahaan degmada Awbarre waxaa la siiyaa miisaaniyada aad u badan oo ay ku qabsadaan adeedyada kala duwan ee dhinaca horumarka, waxay leedahay afar dugsi sare halka gobolada qaarkood aysan lahayn hal dugsi sare. Dhinaca adeega korontada, wadooyinka, is gaarsiinta telefoonada, mobilka iyo Internatka wax badan ayaa laga qabtay.

Waxay leeyihiin boqolaal iskuul oo iskugu jira dugsiyo hoose ilaa Dhexe. Dhinaca Jaamacadaha dalka Itoobiya waxaa dhigta arday badan oo kasoo jeeda degaanada Awbare iyo Danbal. Dhinaca biyaha waxaa jira 8 ceel oo riigag ah, biyo xidheeno iyo biyaha laga soo saaray Zone shiniile oo la soo gaadhsiiyay degaano ka mid ah degmada Danbal iyo Awbarre kaasi oo dawladda degaanka Soomaalidu kharash badan ku bixisay uguna talo gashay in shantii kiilomitir (5KM) laga sameeyo taanki biyaha kaydiya oo loogu talo galay in dadka iyo xoolahaba ay ka cabaan; waxaa intaa u dheer iyaga oo leh seddex isbitaal oo ku kala yaala Awbarre; Danbal iyo Lafa ciise; sidoo kale waxay leeyihiin xarumo caafimaad oo badan; taasi oo aanay ka jirin baahi caafimaad degmooyinka awbarre iyo danbal marka loo fiiriyo degmooyinka degaanka.

4. Tirada Dadka Dega Awbarre

Haddii aan dib ugu laabto xiligii Xayle silaase waxaa lagu qiyaasi jiray shan iyo labaatan kun ilaa soddon kun(30,000) oo qof, xiligii Dhergiga ama Mangistu Xaylamaariyam waxaa lagu qiyaasi jiray afartan kun ilaa konton kun (50,000). Tiro koobkii ugu danbeeyay ee la sameeyay wakhtigan xaadirka ah waxaa lagu qiyaasay seddex boqol iyo sodon iyo sagaal kun oo qof (339,000)!

Waxaa isweydiin leh tirada dhalatay ama dhimatay marka lays ag dhigo soddonkii sano ee ugu danbaysay (30 sano), waxaa lagu qiyaasaa oo la odhan karaa marka si cilmiyaysan loo fiiriyo 70,400 ayay noqon kartaa degmadda Awbare. Haddaba xagee ayay ka timid tirada intan le’eg? Marka koowaad waxaa ku nool qaxooti aad u tiro badan oo degan Awbarre, Dharwanaaje, Sheed-dheer iyo Xero-geel oo ah qaxooti ka soo qaxay waqooyiga soomaaliya sanadkii 1991 dii, kuwaasi oo isugu jira dad kasoo jeeda dalka Soomaaliya iyo kuwa u dhashay Itoobiya oo ay duruuftu u saamixi weyday inay tegaan degaanadii ay asal ahaan kasoo jeedeen, sababta oo ah waxay mudo badan qaxooti ku ahaayeen Soomaaliya, markii ay soo laabteen 1991kii waxy door bideen inay caruuraha ku korsadaan xeryaha qaxootiga; Tiradaasi qaxootiga ee degan degmada Awbarre waxaa UNHCR uga diwaan gashan dad lagu qiyaasay laba boqol oo kun (150,000) oo qof, haddaba sida iska cad dadkaasi qaxootiga ah oo la siiyay lacag si ay uga qayb qaataan tiro koobka.

Arrinta labaad waxa weeyi ma jiro ciidan qaran ama degaan oo xadka ilaaliya; markaa waxaa dhacay wakhtigii tiro koobka in dadkii degenaa Boorama iyo degaanada hoos yimaada ay xadka ka soo talaabeen si ay uga qayb qaataan tiro koobka; Arrinta seddexaad waxaa la sheegayaa shaqaalihii samaynayay tiro koobka in la sii yay lacag laaluush ah si ay tirada u badiyaan; Arrinta afraad waxaa jiray arrimo siyaasadeed oo lagula dagaalamaayey qabiilka Daaroodka; Waxaan weydiinayaa qof kasta oo cilmi iyo caqli leh degaanka aan kor ku soo sheegay ee ka kooban dherer 60KM, balacna ah 40KM ma ku noolaan karaan tiro dhan (339,000) oo qof? Iyada oo aan ognahay tirade ugu badan waxaa ay ku nooshahay magaalada awbarre taasi oo lagu qiyaasay 10,813(Toban kun sided boqol iyo seddex iyo toban.

Halkan waxaan idiinku soo gudbinayaa qaabka loo xisaabo korarka tirada
FV (Future Value) = Tirada kororka Mustaqbalka (2010) (70,400 qof)
PV (Present Value) = Tirada wakhtigan xaadirka ah (1980) (50,000 qof)
I (Growth Rate Per Year) = sanadkiiba tirada kordhi karta (1.36% )
R (30 years) = mudo sodon sano
FV= PV * e (growth rate * years)
FV= 50,000 * (0.0136 * 30 )= 20,400
Mudo sodon sano waxaa kordhi kara lix iyo tobon kun sedex boqol iyo labaata; sidaasi darted wadarta guud waxay noqon kartaa 50,000 + 20,400 =74,400 ugu badnaan.

Ugu danbayn waxaa wax lala yaabo ahayd oo aan ka xumahay badhasaabka gobolka Jigjiga Mr Mawliid Haayir waraysigii uu siiyay BBCda oo ay ka muuqatay in uu la qabo tolkii oo uu ku raacsanayahay cabashadooda. Waxaa kaloo ninkaa masuul sheeganaya haddaladiisa laga dhadhansan karayay in uu raba in uu fidmo ama dhibaato ka dhex abuuro ummadda Soomaaliyeed ee walaalaha ah, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay dad hadda ka hor dagaalo sokeeye soo maray iyo dad hadda ka hor kala doortay maamulada Oromo iyo Soomaalida; sida degmooyinka Raaso, Marsin, Dharaartoole iyo Tuliguuleed. Sidaasi darteed wixii dhibaato deegaanadaasi ka yimaada waxaa masuuliyadeeda qaadanaya Mawliid Haayir, waxayna noqon doontaa in sharciga la hor keeni doono mudo aan dheerayn. Waxaa kaloo aan ogahay inuu ka danbeeyo duqayda, qurba jooga iyo aqoonyahanka Gadabuursi dacwadahan iyo cabashooyinka ay wadaan.

Waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkayga Gadabuursi ma xaqdaro ayaa lagu hayaa mise isagaa sadbursi qaba? Waa su,aal u furan qof kasta caqliga la saaxiib ah.

yussuf.ciise@yahoo.com
Jigjiga; Ethiopia.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...