Sunday 12 June 2016

Al-shabaab oo odayaal dhaqameed ka afduubtay gobolka Sh/Dhexe


 
0
SHARE 
Jowhar (SONNA)-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al-shabaab 13 oday dhaqameed ay ka afduubteen deegaan lagu magacaabo Garboole, oo qiyaastii 50-km u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.
Si dhab ah looma oga sababta Al-shabaab ay u afduubteen odayaashaasi, hase ahaayee dadka deegaanka ayaa SONNA u xaqiijiyey in Al-shabaab dadkaasi ay geeyeen deegaan kale oo lagu magacaabo Shaw oo katirsan gobolka Hiiraan.
Dadka deegaanka ayaa arintaan wal wal iyo cabsi badan ka muujiyey, mana jirto cid si gaar ah u faah faahisay sababaha rasmiga ah ee odayaashaasi loo afduubtay.
W/D:-Muxudiin MMC

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...