
Dagaalka oo an la oggaan khasaaraha uu dhaliyay,waxaa la sheegay inuu ku billowday,kaddib markii ciidamada Galmudug ay weerar ku qaadeen xarunta Kafaalo oo ciidamada milliteriga Soomaaliya ee 21-aad loogu qaybinaayay mushaaraad.
Ciidamada Galmudug ee weerarka qaaday,waxaa ay dhankooda sheegen inay ka cabanayaan mushaarad la’aan oo an wax mushaar ah la siin bilihii ugu dambeeyay,taasina waxay sabab u ahayd inay weerarran xero mushaaradka lugu siinayay ciidamada milliteriga Soomaaliya ee ku sugan gobollada dhexe.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ee saldhigiisu yahay Cadaado,waxaa ay warbaahinta u sheegen xaaladda xilligan inay tahay mid degan oo ay socdaan waan waan lugu kala dhex-galayo ciidamada dagaallamay.
__
RBC Radio
RBC Radio
No comments:
Post a Comment