Wednesday 29 June 2016

Taliye kuxigeenkii Booliska gobolka Bari Col. Cabdicasiis Cismaan Togox oo Xabsiga loo Taxaabay


Col. Cabdicasiis Cismaan Togox
Col. Cabdicasiis Cismaan Togox
Boosaaso(RBC Radio) Wararka aan ka helayno magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Xabsiga la dhigay Taliye kuxigeenkii Ciidamada Booliska qeybta gobolka Bari Col. Cabdicasiis Cismaan Togox.
Col. Cabdicasiis Cismaan Togox ayaa Xabsiga la dhigay kadib markii uu amar diido xilka looga qaadey uu sameeyey,waxaana gurigiisa laga soo qabtay isagoon wax iska caabin ah sameyn.
Ciidamo si khaas ah u Tababaran oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa la sheegay iney howlgalkan fuliyeen kuwaasoo hada gacanta ku haya Taliye kuxigeenka.
Col. Cabdicasiis Cismaan Togox ayaa habeenimadii Axada gudaha u galay isagoo wata Ciidamo badan saldhiga Booliska ee magaalada Boosaaso ,isagoona sheegtay in uu yahay Taliye kuxigeenka rasmiga ah waraaqna uu ka sito Wasaaradda Amniga.
Taliye kuxigeenka Booliska gobolka Bari ayaa loo magacaabay nin la yiraahdo Axmed Jaraale.
Xariga Col. Cabdicasiis Cismaan Togox ayaa waxaa amray Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,waxaana la sheegay Kormeerlka caddaaladda la horgeynayo.
__________
RBC Radio
Boosaaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...