Tuesday 28 June 2016

Madaxweyne Gaas oo abaal-marin guddoonsiiyay ardeygii kaalinta koobad ka galay tartanka Qur’aanka ee degmooyinka Puntland (Dhagayso+ Sawirro)


IMG_7579
Garoowe (RBC Radio) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28-Jun-2016 kaga qayb galay Masaajidka Al-Huda ee magaalada Garoowe Munaasab si weyn loosoo agaasimey oo lagu maamusayey xiritaanka Tartanta Qur’aanka Kariimka ah, tartankaas oo u dhexeeyey degmooyinka Puntland.
Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay xubno ka socda labada gole ee dawladda, guddiga garsoorka Tartanka, ardaydii ku tartamaysey qaybaha kala duwan ee Jusaska Qur’aanka, maal-geliyayaashii tartanka, Isimo iyo Jamaacadii Masjidka Al-huda.
Tartanka ayaa ahaa saddex qaybood oo isugu jira Soddonka Jus, Labaatan Jus iyo Toban Jus iyadoo dhammaan ardaydaydii ka qayb gashay tartanka la-guddoon siiyey abaal marino kala duwan oo lagu dhiirri gelinayo kalaamka Eebbe.
Ardaygii ku guuleystey tartanka Soddonka Jus ee Qur’aanka Kariimka ah oo lagu magcaabo Ibraahim Maxamed Maxamuud kuna tartamayey magaca madarasada Daarul-qur’aan ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa Abaal-marin loo siiyey Gaadhi nooca raaxada ah, waxaana ardaygaasi Furaha Gaadhiga guddoon siiyey Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Wasaaradda Caddaalada dawladda Puntland oo doorweyn ku lahayd hirgelidda tartankaan ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dedaal keeda ku aaddan kor u qaadista qawlka Eebbe, sidoo kale wasaaraddu waxay sheegtay in xabsiyada Puntland laga bilaabi doono dhowaan tartanka Qur’aanka Kariimka ah.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ah bud-dhigaha tartanka Qur’aanka Kariimka ah isla markaana sannad walba tartanka quraanka kaga qayb qaata dhaqaale aad u tiro badan ayaa ku macneeyey kasoo qayb-galkiisa Munaasabadda xiritaanka tartanka Qur’aanka Kariimka ka ah in ay tahay qayb ka mid ah waajibaadka dawladdu ay u hayso bulshadeeda.
“sharaf bay nootahay in aanu idin kala soo qayb galno munaasabaddan, waana waajib dawli ah, waajibka koowaad ee dawladdu waa in ay dadka ilaaliso diintiisana ku ilaaliso” ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xusay sida ay lagama maarmaanka u tahay in badka inta ay yar-yar yihiin lagu ababiyo diinta islaamka si’ ay uga badbaadaan kooxaha sharwada yaasha ah ee diinta islaamka sida khaldan dadka u fahamsiiya, isagoona Madaxweynuhu tusaale u soo qaatay caruur yaryar oo aad u tiro badan oo lagu soo qabtay dagaalkii lagu soo afjarayey duullaankii ay sharwadayaasha al-shabaab kusoo qaadeen Puntland,
Kuwaas oo si khaldan loo fahamsiiyey diinta islaamka, balse hadda dhaqan-celin loogu samaynayo xabsiyada Puntland isla markaana si wanaagsan loo barayo diinta Islaamka ee ku dhisan nabad-gelyada iyo naxariista.
Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sidoo kale kula dar-daarmay ardaydii ka qayb qaadatay tartanka Qur’aanka Kariimka ah in ay sii wadaan dedaalkooda ay kor ugu qaadayaan aqoontooda, sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu ku baraarujiyey barayaasha dugsiyada in ay manhajkooda ku daraan maaddooyin ay ardayda ku barayaan qiimaha ay leedahay waddaniyadda iyo nabad-gelyadu.
Hoos ka dhageyso hadalka madaxweynaha

Audio Player

IMG_7265 IMG_7268 IMG_7272 IMG_7274 IMG_7275 IMG_7280 IMG_7283 IMG_7284 IMG_7285 IMG_7286 IMG_7293 IMG_7300 IMG_7301 IMG_7311 IMG_7325 IMG_7326 IMG_7332 IMG_7337 IMG_7339 IMG_7341 IMG_7349 IMG_7352 IMG_7353 IMG_7358 IMG_7370 IMG_7374 IMG_7386 IMG_7403 IMG_7446 IMG_7458 IMG_7462 IMG_7465 IMG_7476 IMG_7484 IMG_7492 IMG_7496 IMG_7502 IMG_7511 IMG_7519 IMG_7526 IMG_7530 IMG_7533 IMG_7535 IMG_7539 IMG_7541 IMG_7547 IMG_7552 IMG_7553 IMG_7558 IMG_7569 IMG_7572 IMG_7576 IMG_7579 IMG_7585 IMG_7586 IMG_7592
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...