Thursday 30 June 2016

Switzerland oo dhalashadii u diidey gabdho muslimiin ah


Muqdisho (RBC Radio) Dowladda Switzerland ayaa u diiday labo gabdhood oo muslimiin ah sharciga dhalashada,sida ay baahisay warbaahinta dalka.
Waxaa lugu sheegay sababaha gabdhahan muslimiinta ah sharciyadda dhalashada loogu diidey markii ay diiden inay ka qayb-qaataan cashir dabaal ah oo aan wiilal iyo gabdho ukala soocnayn.
Madaxa guddiga qaabilsan bixinta jinsiyadaha ee magaalada Basel ee dalka Switzerland waxuu sheegay in labadan gabdhood dhalashadii loo diiday kadib markii ay u hoggaansami waayeen shuruucda waxbarashada oo ay dabaasho qayb katahay,sida waxaa baahiyay taleefishinta SRF.
“Inta badan iskuullada dalka Switzerland cashirada dabaashu waa waajib,qofkii u hogaansami waayana, waxa uu jabiyay sharciga sidaas darteedna lama siin karo dhalashada dalka Switzerland,” ayuu yiri Wehrle.
Labada gabdhood ee dhalashada loo diiday ayaa da’dooda lagu sheegay 12 jir iyo 14 jir.
Waddamada reer galbeedka ayaa iskuullada wax laga barto,Waxaa ku dhex jira ficilo aysan u kala socneyn gabdhaha iyo ragga,taasina waxay ka soo horjeeda diinta islaamka oo muslimiinta fareysa in ay kala socmaan ragga iyo dumarka ajanabiga isku ah ee an is qabin.
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...