Tuesday 28 June 2016

Weerar dhimasho sababay oo ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo



galkacyo-city-dhanka-airport-1-600x400
Gaalkacyo (RBC Radio) Hal ruux ayaa ku dhintay labo qof oo kalana waa ay ku dhaawacmen xilli hore oo fiidkii xalay ah weerar ka dhacay duleedka bari ee magaalada Gaalkacyo,sida waxaa u sheegay Raxanreeb saraakiil ka tirsan maamulka degmada.
Dabley hubeysan ayaa weerartay gaari waqooyiga magaalada Gaalkacyo keeni jiray caanaha loo yaqaano (Fiid-Maal) oo laga soo liso geel ku xareysan duleedka bariga ee xarunta gobolka Mudug.
Labada qof ee weerarka ku dhaawacan-tay,waxaa lugu dabiibaya isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo,Waxaana la sheegay xaaladooda caafimaad inay wanasan-tahay.
“Waxaa na loo shegay gaariga in la weerarray markii soo gali rabay magaalada,qof baa ku dhintay weerarka,labo qof oo kale oo dhaawac ahna isbitaalka ayaa lugu daweynaya,”sarkaal ka tirsan maamulka isbitaalka guud ee Gaalkacyo ayaa sida u sheegay Raxanreeb.
Ma jirto cid wali sheegatay mas’uuliyadda weerarka,Dowladda dhankeeda wali wax war ah kama aysan soo saarin dhimashada halka ruux iyo dhaawaca labada qof oo kale.
Weerarrada noocan ah ayaa inta badan ka dhaca duleedka bariga ee magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug,Waxaana inta badan isku eedeya marka ay weerarradan dhacaan Galmudug iyo Puntland oo maleeshiyo kala taabacsan ay fuliyaan.
__
RBC Radio

    No comments:

    Why cows may be hiding something but AI can spot it

      By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...