Wednesday 29 June 2016

Culummada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay sharciga siyaasadda qaran ee Jinsiga inuu ka hor imaanayo diinta islaamka


Sheekh-Bashiir-Axmed-Salaad
Muqdisho (RBC Radio) Sharciga Siyaasadda Qaran ee Jinsiga ama Gender oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa lugu sheegay inay ku jiraan qodobbo ka hor-imaanaya diinta islaamka,sida lugu sheegay war ka soo baxay hay’adda culimada Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaliyeed,Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo shir saxaafadeed ku qabtay Muqdisho,waxuu sheegay inay ku arkeen sharciga Jinsiga ama Gender qodobbo badan oo si toos ah uga hor-imaanaya shareecada Islaamka.
Sheekh Bashiir waxuu inta ku darey sharciga inuu dalbanayo in la meelmariyo dhamman xaquuqda dumarka oo awood dheeri ah helaya.
“Markaan akhrinnay buugga sharciga Jinsiga – Waxaanu ku aragnay qodobbo badan oo si toos ah uga hor-imaanaya Shareecada Islaamka, Kuwaas oo ay ka mid yihiin; da’da qaan-gaarka iyo guurka oo lagu dalbanayo in laga dhigo 18 sano oo ah da’da ay aamisan yihiin Gaalada, Shareecada Islaamkana aan Wax Raad ah ku lahyan,”
“Waxaa kaloo ka mid ah qodobada aan ku aragnay in Haweenka la buun-buuninayo – laguna Tarbiyeynayo inay kasoo hor-jeestaan Waalidkood ayna diidan amarrada ragga qaba, taaasoo ku ahan laftooda khatar,”ayuu yiri Sheekh Bashiir.
Waxaa kalo uu shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday,guddoomiyaha hay’adda culumada Soomaliyeed,Sheekh Bashiir Axmed Salaad in waxyaabaha Diinta Islaamka ka hor-imaanaya ee Sharcigan ku jira ay ka mid yihiin; In la diido gabi ahaan gudniinka haweenka oo qofkii gabar uu dhalay guda laga dhigo dambiile, taasoo aan raad ku lahayn Islaamka.
“Waxaa sharcigan ku jira; in la banneeyo Sinada, maadaama la sheegay in la doonayo in la hirgeliyo sharciga Jinsiga-Gender oo macnihiisu yahay in ay soo geli karaan cid aan rag iyo dumarna ahay oo wax kale iska dhigay,” ayuu hadalkiisa ku daray.
“Qodobada kale ee ku jira waxaa ka mid ah; In gabadhu ay iyada is-guurin karto oo aan loo baahnayn Waalid iyo Sheekh, Taasoo aan dhihi karo maba jirto meel ay Caalamka ka jirto… waxaana xitaa diiday Qodobkaan Mareykanka iyo weliba Fetikaanka, marka waxaa la yaab leh in Soomaaliya oo Islaam ah lagu qasbo arrintaas.”ayuu hadalkiisa ku daray.
Gaba-gabadii waxuu ku baaqay Sheekh Bashiir in Haweenka lagu Caawiyo shaqooyinka ay hayaan ee guriga, sidoo kalena laga taageero dhinacyada Caafimaadka iyo waxbarashada, isagoo xusay inaysn baahida ay qabaan haweenku aysan ahayn Siyaasad.
Xukuumadda Soomaaliya oo sharcigan ansixisay,wali wax jawaab ah kama aysan bixin hadalka ka soo yeeray culumada Soomaaliyeed ee sheegay diinta islaamka inuu wax u dhimayo sharciga siyaasadda qaran ee Jinsiga ee la doonayo Soomaaliya inay ku dhaqanto.
Hoos ka akhriso sidoo kale,bayaan ka soo baxay hay’adda culumada Soomaaliyeed
Bayaanka-Culimada0001Bayaanka-Culimada0002
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...