Friday 24 June 2016

Madaxweynaha oo aqbaley xil ka qaadista iyo magacaabista xubno ka tirsan Golaha Wasiirada


 
0
SHARE 
Baydhabo, 24 June 2016 (Villa Somalia)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo saaray xeer uu ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.
Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa kala ah Marwo Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Marwo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha aqbaley magacaabista laba wasiir oo cusub oo xilalkaasi la wareegaya.
Wasiirada la magacaabay ayaa kala ah Dr Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo noqonaya Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur oo noqonaya Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
Aqbalaadda xil ka qaadista iyo magacaabista xubnahan Golaha Wasiirada ka tirsan ayaa dhaqangaleysa maanta oo taariikhdu tahay 24 June, 2016.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...