Tuesday 28 June 2016

Maxadaxweyanaha oo ka qayb galay jinaasadii xildhibaan Burci (Sawirro)


 
0
SHARE 
Muqdisho-(SONNA)-Maaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa saaka ka qayb galay Jinaasada marxuum Burci Maxamed Xamse, oo ahaa wasiiru dowlihii xafiiska Ra’aysulwasaaraha arrimaha deegaanka.
Jinaasada marxuumka,oo ka dhacday Masjidka Shuhaddaa ee Villa Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan, Ra’aysulwasaare ku xigeenka Dalka Maxamed Cumar Carte iyo xubno ka socda labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Masuuliyiintii kaso qayb galay Jinaasada ayaa waxay u duceeyeen marxuumka, waxanay Alle ugu baryeen inuu jannadii fardowso ka waraabiyo, eheladii uu ka tegey iyo ummada Soomaaliyeedna ka siiyo samir iyo Iimaan.
Marxuum Burci oo ku geeriyooday weerarkii argagixisada Al-shabaab ay ka geysteen Hotel Naasa-Hablood 25-kii Bishan ayaa lagu wadaa in maanta aas qaran loogu sameeyo Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
SONNA/NewsBurci9Burci8Burci7Burci6Burci5Burci4Burci3Burci2Burci1

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...