Sunday 26 June 2016

Magaalada Faluuja oo gacanta u gashay Ciraaq.


 
0
SHARE 
Faluuja-(SONNA)- Wakaalada Wararka Reuters, ayaa soo warisay , in Ciidamada Dowladda Ciraaq ay maanta si buuxda gacanta ugu dhigeen magaalada Faluuja,kadib markii muddo Todobaad ah gudaha magaaladaasi ay kula dagaalmayeen maleeshiyada Daacish.
Gacan ku haynta Magaalada faluuja ayaa waxa ay  labada Ciidan, ku dagaalmayeen muddo shan Todobaad ah, ugu dambeystiina ay Ciidamada Ciraaq gebi ahaamba magaaladaasi ka saareen kooxda xagjirka ah ee Daacish.
R/Wasaaraha Ciraaq Haydar Al-Cabaadi, ayaa sheegay inay ka guulaysteen Daacish,iyadoo  Generaal ka tirsan Ciidamada Ciraaq oo lagu magacaabo C/wahaab  Al-Saacidi, uu isna Telefishinka Ciraaq u sheegay  in dagalkii faluuja uu dhamaaday,ayna magaaladaasi ka sifeeyeen Daacish.
Wuxuuna Generaalku, intaa Raaciyay, in Daacish ay ka dileen 1800 ciidan,iyadoo wixii soo haraayna ay carareen, wuxuu cadeeyay in howlgalka Ciidan ay magaalada Faluuja ku qaabsadeen ay bilaabeen 23kii bishii May ee Sanadkan.
Dagaalka magaalada  Faluuja ayaa sababay in ay ka cararaan 85kun qof oo ah,dadkii magaaladaasi deganaa .
Ciidamada Daacish ee looga itaal roonaaday gacan ku haynta magaalada Faluuja, ayaa waxa ay magaaladaasi qabsadeen  bishii Janaayo sanadkii 2014kii, lix bilood kadib markii lagu dhawaaqay  waxa ay ugu yeereen Dowladda khilaafada islaamka.
جنو عراقيون على متن دبابة في الفلوجة يوم 23 يونيو حزيران 2016. تصوير: ثائر السوداني - رويترز.

Diyaariye-Mukhtaar-

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...