Wednesday 29 June 2016

Madaxweynaha Soomaaliya oo daah-furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka


IB0A5872
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka (National Development Plan), kaas oo noqonayaa midkii ugu horeeyay ee ay Soomaaliya yeelato muddo haatan laga joogo 30 sanno.
“Waa maalin taariikhi ah inaan maanta daah-furno barnaamijkan muhiimka ah. Tani waxay muujineysaa in dowladnimadeena ay xoogsaneyso. Dalna ma shaqeyn karo haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawlaha uu qabanayo. Sidaad la socotaan xilligiii ay dowladdan xafiiska timid waxaa mar walba ka go’nayd inay sameyso qorshe lagu hawlgalo, inagoo ka bilowney miisaaniyaad ku meel gaar ah oo aan dejinay dhammaadkii 2012-ka’’.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dukumentigan kooban uu yahay dhaxal loogu talagaley jiilka hadda jooga iyo kuwa soo socda, sidaa darteedna loo baahan yahay in wax walba oo ku jira si taxaddar leh loo fuliyo.
“Soomaaliya baahiyo badan ayay leedahay oo ay tahay inay buuxiso. Kaabeyaasheena dhaqaalaha iyo adeegyada kale oo dhan ayaa u baahan in si hufan loo dhiso. Barnaamijkan waxaa lagu jaangooyay baahida maanta ee jirta, waxaana lagu beegay waqtigii ugu habboonaa. Si tartiib tartiib ah ayaan ula jaanqaadi doona hadba sida ay baahiyada u kala muhiimsan yihiin’’.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si barnaamijkan uu dhaqangal u noqdo loo baahan yahay in la helo hannaan lagu qiimeeyo qorshaha ku xusan, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan iyo isa sixid.
Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona muddo 3 sanno ah ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diiradda saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta kaabeyaasha dhaqaalaha, tayeynta hay’adaha dowliga , hirgelinta nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.
Munaasabaddan waxaa sidoo kale hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka , Cabdiraxmaan Caynte.
___
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...