Saturday 25 June 2016

Milliteriga Soomaaliya oo ku dhawaaqay inay la wareegayaan ammaanka guud ee dalka (Dhagayso)


Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya
Taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya

Muqdisho (RBC Radio) Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ku dhawaaqay inay diyaar garow ugu jiraan sidii ciidamada milliteriga ay ula wareegi lahaayeen ammaanka guud ee Soomaaliya.
Taliyaha guud ee ciidamada xoogga dalka,sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada milliteriga ay u diyaarsan-yihiin sidii ay amniga dalka ugala wareegi lahayeen ciidamada Midowga Afrika ee muddada tobanka sanno ah ku sugan dalka.
Waxuu caddeeyay taliyaha ciidamada xooggan,ciidanka milliteriga Soomaaliya inay u qaabeysan-yihiin la wareegida amniga dalka oo u marka ku sheegay inaysan ku noqon doonin wax cusub,maaddama ay haddaba ka qayb-qaadanayaan dadaallada lugu xasilinayo dalka.
“Waxaan aad iyo aad ugu rajo weynahay,ciidanka Soomaaliya inuu la wareegi doono xilka,si sugan aan lahayn dal dalool,wuuna u habeysan-yahay ciidanka la wareegida dalka,”ayuu yiri taliyaha guud ee ciidamada xoogga Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka xoogga,waxuu inta ku darey waxa ugu weyn ee ciidamada hor-yaalla inay tahay sidii dalka looga saari lahaa meelaha ay uga sugan-yihiin ururka al-Shabaab oo loo arko khatarta kaliya ee ammaanka Soomaaliya.
Waxuu ku soo aadaya hadalka uu jeediyay taliyaha ciidamada xoogga,xilli dowladda Uganda ay ku dhawaaqdey sanadka dambe inay ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya,deeq bixiyaasha ayaana dhankooda sheegay inay ku daaleen taageerrada ciidanka AMISOM.
Hoos ka dhageyso hadalka taliyaha ciidamada xoogga dalka

Audio Player

__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...