Sunday 12 June 2016

Maamulka Jubboland oo wacad ku maray in uu qaadi doono dagaal ka dhan ah Al-shabaab


 
0
SHARE 
Jubboland(SONNA)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa warfidiyeenada u sheegay in dagaal ka dhanka ah Al-Shabaab uu bilaaban doono bisha soo socota ee July, isagoo xusay in ciidamada maamulkiisa iyo kuwa AMISOM ay diyaar garoobeen.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in la gaaray waqtigii Al-Shabaab laga saari lahaa deegaanada uu ka arimiyo maamulkiisa, waxaana uu tilmaamay in aanay Al-Shabaab sii joogi doonin sida waxaa yiri mudane Axmed madoobe.
“Qorshaha dagaal ee aynu damacsanahay wuxuu bilaabanayaa bisha July, Shabaab ma sii joogi doono Jubbooyinka, saraakiishoodana waa la ugaarsanayaa, sida aad maqasheen kuwa ka mid ah in dhawaanahan la dilay”ayuu yiri Axmed Madoobe.
Waxaa uu sheegay in ciidamada xoogga dalka, kuwa Jubbaland iyo AMISOM ay joogteyn doonaan howl galada, isla markaana la baacsan doono saraakiisha Al-Shabaab.
Ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka jubboland ayaa wada howl galo ay uga sifeynayaan kooxda haraadiga Al- shabaab degaanada juboojinka iyo guud ahaan gobolada dalka.
Ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka jubboland ayaa wada howl galo ay uga sifeynayaan kooxda haraadiga Al- shabaab degaanada juboojinka iyo guud ahaan gobolada dalka.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...