EYL : Degmada Eyl ee Gobalka Nugaal waxay ka mid tahay magaalooyinka ugu qadiimisan Soomaaliya waxayna leedahay Taariikh dheer oo qarni ka badan. Degmadu waxay ka kooban tahay labo qaybood oo lakala yiraahdo DAAWAD iyo BADAY. Daawad waxay ku taal biriga halka Badayna ay dhacdo Xeebta badweynta Hindiya.
Degmada EYL ee Gobalka Nugaal waxaa ay aasaasantay qarnigii 19-aad dabaqaayadiisii waxaana bilowgii qarnigii 20-aad xarun ka dhigtay Sayid Maxamed Cabdile Xasan oo aasaasey qaybta Daawad ee degmada Eyl. Daawad waa daar ku taala EYL oo ka mid ah qalcadihii Sayidku ka dhistey dhulka Puntland xiligaasi waxaana QALCADA DAAWAD dhismaheeda la bilaabay sanadkii 1900 iyadoo Injineerka dhisayna uu ahaa Injineer YEMENi ah kaasi oo la oran jirey Axmed Saalax Baajurayri, qalcada DAAWAD dhismeedu waxa uu qaatey afar sano oo xariir ah.
Injineerka dhisay Qalcada Daawad ee Degamda EYL waxa uu ahaa nin Kaluumaysato ah oo doonidiisii ay kula xumaatey xeebta EYL isaga iyo Wiil uu dhalay (Saalim Axmed Saalax) oo u socday markaas xeebta Mombasa ee dalka Kenya. taariikhda Saalim iyo Aabihiis Axmed Saalax waxaa iiga sheekeeyey C/qadir Saalim Axmed Saalax (Baajurayri) oo dagan DAAWAD isla markaasna ah faricii Injineer Axmed Saalax.
Cabdulqaadir Saalim waxa uu iisheegay in Awowgiis iyo Aabihiis markii doontu kula xumaatey EYL inay dhanka biriga usoo dagteen oo ay u yimaadeen dadkii Soomaaliyeed ee halkan daganaa waqtigaasi kadibna ay u gacan galeen Sayid Maxamed Cabdile Xasan oo ay Axmed Saalax ku heshiiyeen inuu u dhiso Dhismaha Daarta DAAWAD kadina uu Sayidku Yemen u cesho Injineer Axmed Saalax iyo Wiilkiisa Saalim ee doontu kula xumaatey EY, daawad dhismaheedu waxa uu qaatey afar sano oo kaamil ah laga bilaabo 1900-1904. Injineer Axmed Saalax markii uu daartaas dhameeyey ayaa tii alle u timid iyadoo lagu aasay EYL
.Sii Akhri
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
November 22, 2012 Besides terrorism threats, the federal government of Somalia faces other threats emanating from three different but ...
-
Earlier this year, Edwardo Molano, Africa correspondent of the Spanish newspaper, ABC Internacional, filed a report, “Unlimited extravagance...

No comments:
Post a Comment