Thursday 10 November 2011

Abuu Muscab " Gaari Qooqan ah ayaan Kenya ka qabanay Murtadiintii u kaxaynayeyna waan laynay".


on .
somalimemo.netDowladda Kenya ee kusoo duushay dalka Soomaaliya ayaa dharbaaxadii ugu kululayd kala kulantay mujaahidiinta Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyay markii Kenya ay cadeysatay duulaanka ay kusoo qaaday Soomaliya.
Weeraro is xig xigay oo ay mujaahidiinta Soomaaliya ku qaadeen ciidanka cadawga Kenya ayaa sababay dhimasho iyo burbur hantiyadeed oo wiiqay awoodii ciidanka Kenya ee duulaanka ku soo qaaday Jubbooyinka.
Taliska ciidanka Mujaahidiinta ayaa faah faahin ka bixiyay weeraro qorshaysnaa oo maanta ka dhacay duleedka tuulada taabto.
Afhayeenka ciidanka mujaahidiinta Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in gaadiidka ay gubeen uu dheeraad ka yahay gaari qooqan ah oo khaad u weday Qooqaani.
"Mujaahidiintu gaari qooqan ah oo Qaad weday ayay gacanta ku dhigeen waxayna laayeen Murtadiin la socday ALLAAH baa mahad leh" ayuu yiri Abuu Muscab.
Howlgaladii ay ciidanka mujaahidiinta saaka sameeyeen ayaa ahaa midkii ugu dhibaatada badnaa dhanka cadawga Kenya ee dhawaan iclaamiyay in ay weerar ku yihiin ku dhaqanka shareecada Islaamka ee Koonfurta Somaliya ka hana qaaday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...