
Waxa kale oo ay magac iyo maamuus u yeelaan cid kasta oo ALLAAH ku caasida, Shareecadiisana burisa. Waxyaabaha Diinteena Islaamku inaga reebtay waxaa ka mid ah Muusiga. Mufasiriinta qaar ayaa tilmaama in Ayaada 64aad ee Suurat Al-Israa' ay tilmaameyso in Muusigu yahay sowtka Shaytaan dadka ku lumiyo: وَاسْتَفْزِزْ مَنِ اسْتَطَعْتَ مِنْهُم بِصَوْتِكَ وَأَجْلِبْ عَلَيْهِم بِخَيْلِكَ وَرَجِلِكَ وَشَارِكْهُمْ فِي الْأَمْوَالِ وَالْأَوْلَادِ وَعِدْهُمْ ۚ وَمَا يَعِدُهُمُ الشَّيْطَانُ إِلَّا غُرُورًا Suurat Al-Israa'- 17:64 Shariif oo war-baahinta qaar sida hadhwanaagnews iyo qaar kaloo badan ay Sheekh ugu yeedhaan ayaa fanaan muusigeysta ah isu badalay. Ninkii sheekha uu ahaa ma niikis daawashaa iyo qoob-ka-ciyaar ayaa u dambeysay? Waxay sheekh ku sheegaanba, walle waaka fanaanka isku badalay. Inta maan-gaabka ah ayaa xaqa iyo baadilka kala saar garan weyda oo u riyaaqa wax kasta oo Islaamka kasoo horjeeda. ALLAAH (subxaanahu wa tacaala) isagoo Qowlkiisu xaq yahay (وَمَنْ أَصْدَقُ مِنَ اللَّـهِ حَدِيثًا) ayaa ka waramey kuwaa aqoonta diineed inta lasiiyey ka dibna ka gaabiyey. Wuxuu ALLAAH ku tilmaamey inay yihiin dameero kutub lagu rarey oo ka qaafilan qiimaha waxan ay xambaarsan yihiin. مَثَلُ الَّذِينَ حُمِّلُوا التَّوْرَاةَ ثُمَّ لَمْ يَحْمِلُوهَا كَمَثَلِ الْحِمَارِ يَحْمِلُ أَسْفَارًا ۚ بِئْسَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِ اللَّـهِ ۚ وَاللَّـهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ Suurat Jumuca-62:6 Shariif iyo kuwa Kitaabka ALLAAH iyagoo wax ka bartey handana ka qaafilani waa dameero. Waabey kasii liitaan dameerada oo dameerku waa ba abuurtiisa in la rarto uun ee caqli laguma oga. Balse ka isagu u badheedha baadilka iyo fisqiga waakuu ALLAAH inoogaga waramey Suurat Al-Acraaf ee ka xuub-siibtay Diinta ALLAAH kadib markey u cadaatay Aayaatka ALLAAH, una badheedhay xadgudubka iyo la dagaalanka Diinta ALLAAH: وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِي آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ ﴿١٧٥﴾وَلَوْ شِئْنَا لَرَفَعْنَاهُ بِهَا وَلَـٰكِنَّهُ أَخْلَدَ إِلَى الْأَرْضِ وَاتَّبَعَ هَوَاهُ ۚ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِ الْكَلْبِ إِن تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ تَتْرُكْهُ يَلْهَث ۚ ذَّٰلِكَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا ۚ فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ ﴿١٧٦﴾سَاءَ مَثَلًا الْقَوْمُ الَّذِينَ كَذَّبُوا بِآيَاتِنَا وَأَنفُسَهُمْ كَانُوا يَظْلِمُونَ ١٧٧ Suurat Al-Acraaf-7:175/177
No comments:
Post a Comment