Wednesday 30 November 2011

Dadkii lagu laayay jeel ogaadeen mudadii aan ku xirnayn

Waxaa xusid mudan in kol hadii la yiraahdo halaga waramo tacadiyadii iyo xadgudubyadii lagula kacay dadwaynaha ku dhaqan degaanka ay somaalidu degto ee Ogaden in mar hore la soo qaado dhibaatadii muwaadiniinta u dhalatay degaanka loo gaystay ee lagu xirxiray goobo kale duwan oo ka tirsan tuulooyinka miyiga ku yaala iyo
magaalooyinka.hadaba anagu waxaanu ka waramaynaa xaqiiq iyo dhacdooyin dhaba oo ka dhacay jeelka la magac baxay jeel ogaadeen mudadii dhawrka sano gaadhaysay ee aan halkaa ku xirnayn sababta Nagu kaliftayna waxay tahay inaanu gudano waajibaadka iyo masuuliyada uu ilaahay (SW) qof walba oo inaga mida saaray oo ah inaan dulmiga isooga gargaarno iyo inaan ka makhraati kacno waxii aanu maraga ka ahayn ee Nagu dhacay anaga iyo intii nala midka ahayd ee aan asxaabta ku ahayn jeelka.hadaba waxaan marka hore ka codsanaynaa maamulka webka kilil5 inay iyaguna masuuliyada dhankooda kaga aadan gudbinta xaqaa'iqa ka jira degaanka ay siday tahay ugu soo tabiyaan mujtamaca diin ahaan dhaqan ahaan iyo bulsha ahaanba qarka u saaran inuu burburo.waxaana idiin balan qaadaynaa inshaa Allah inaan maalmahan soo socda idiin soo gudbin doono faafaahinta jidh dilkii, bah dilkii iyo dilalkii foosha xumaa ee ka dhacay jeel ogaadeen oo ay kamid yihiin Magacyadii 70 qof oo ah Dadkii lagu laayay iyo meelihii ay ka soo kala jeedeen.
Waxaa kamida maxaabiistii u dhimatay jidh dilkii iyo ciqaabtii loogu gaysanayay mudadii aan ku xirnayn jeelka.
Qabiilada reer isaaq ee ogadeen.
1.Garaad Xassan Axmad Makhtal(reer haaruun,Dhagaxbuur)
2.Siyaad Axmad Samatar(reer Afwaax Dhagaxbuur )
3.Xuseen Yuusuf Cali Aar(reer haaruun Degmada Gunagado )
4.Khadar Khaliif Ilkacase (reer diini Maxamad Dhagaxbuur)
5.Maxamad Maxamuud Googaale (reer magan Degmada Awaare)
6.C/Laahi Sheekh Maxamad Soofe(reer dhagood Degmada Gunagado)
7.Mukhtaar Daahir Barkhadle(reer Cali geele Degmada Gunagado )
8.Axmad Maxamad Gaab(reer jaamac labi Degmada Gunagado ).
Qabiilada reer Cabdille ee gobolka Fiiq:
9.Maxamad(Ciise) Macalin Cabdixaliim (reer shirwac guun Degmada Sagag)
10.Cabdi Dayib Cali Bulxan (Maalinguur Degmada Fiiq )
11.Ibraahim C/Raxmaan Axmad(Jilaal)(Maalinguur Degmada Fiiq)
12.Sheekh Cismaan Maxamad Askar (reer Amaadin Degmada iimeey Bari )
13.Saynab Mawliid Nuur Shabeel (reer Amaadin Degmada Dhuxun )
14.Bashiir buugle(reer caafi Degmada Dhuxun)
15.Axmad cumar salaad(reer Cali wanaag Degmada Salaxaad)
16.Sanyare Cabdi Guhaad(reer ugaas Kooshin Degmada Garbo)
17.Maxamad Cali Fooldheer(reer ugaas Kooshin Degmada Garbo)
Qabaa'ilka daga Waardheer:
18.Sheekh Ibraahim Sheekh Muuse(Makaahiil ismaaciil gumcadle Wardheer)
19.Xuseen Cabdiqani Ismaaciil (makaahiil gumcadle Wardheer)
20.Deeq Cali Maxamad(makaahiil ismaaciilgumcadle Wardheer)
21.Axmad Cabdi Diiriye (Dhulbahante Wardheer)
22.Nimcaan (Dhulbahante Wardheer)
23.Muxumad Maxamad Goofadhe(reer abayoonis Wardheer).
Fadlan la soco qaybaha danbe inshaa Allaah. Waxaan Soogudbin doonaa magacyada dadka inta hadhay mustaqbalka dhow Inshallah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...